Skip to main content
SearchLoginLogin or Signup

Hagaha Open Know-Where — Somali

Published onFeb 01, 2022
Hagaha Open Know-Where — Somali
·

Liiska Kalmadaha Ku Jira

Manufacturing Facility

Xarumaha Wax soo saarka

Name

Magaca

Location

Goobta

Owner

Mulkiilaha

Contact

Xidhiidhka

Affiliation

Xidhiidh la leh

Facility Status

Xaalada Xarunta

Opening Hours

Saacadaha Furitaanka

Description

Sharaxaad

Date Founded

Taariikhda La Aasaasay

Access type

Nooca ogolaashaha

Wheelchair Accessibility

Isticmaalka Kursiga Curyaanka

Equipment

Qalabka

Human Capacity

Awoodda Aadanaha

Headcount

Madax taabasho

Manufacturing Processes

Hababka wax soo saarka

Typical Batch Size

Cabbirka caadiga ah dufcadda

Size / Floor Size

Baaxadda / Cabbirka Dhulka

Storage Capacity

Awoodda Kaydinta

Typical Materials

Agabka caadiga ah

Certifications

Shahaadooyinka

Backup Generator

Matoor dab-dhaliye kayd ah

Uninterrupted Power Supply

Koronto Joogto ah

Road Access

Waddo loo maro

Loading Dock

Goob alaabta lagu rogo/raro

Maintenance Schedule

Jadwalka Dayactirka

Typical Products

Alaabta caadiga ah

Partner / Funder

Shuraakada/Maalgeliyaha

Customer Reviews

Faallada macmiisha

Innovation Space sub-properties

Sifo-hoosaadka goobaha hal-abuurka

Innovation Space

Goobta Hal-abuurka

Staff

Shaqaalaha

Learning Resources

Agabka Waxbarasho

Services

Adeegyada

Footfall

Tirada dadka soo galaya

Residencies

Goobaha deganaashaha

Location

Goobta

Address

Cinwaanka

GPS Coordinates

Xadidaada Goobaha GPS

Directions

Tilmaamaha

What 3 Words sub-properties

Sifooyin-hoosaadka Nidaamka 3-Eray

Agent Properties

Sifooyinka Wakiilka 

Name

Magaca

Location

Goob

Contact Person

Qofka lagala xidhiidhayo

Bio

Taariikhda

Contact

Xogta la xidhiidhka

Website

Mareegta Internetka

Social Media

Baraha Bulshada

Languages

Luuqadaha

Mailing List

Liiska Boostada

Images / Media 

Sawirrada / Warbaahinta

Equipment

Qalabka 

Manufacturing Process

Habka wax soo saarista

Make

Samayn

Model

Nooca

Serial Number

Lambarka taxana ah (Siiriyaalka ah)

Location

Goobta

(Skills Required)

(Xirfadaha ladoonayo)

Condition

Xaalada

Notes

Fiirooyin gaar ah

Owner

Mulkiilaha

Quantity

Tirada

Throughput

Agabka dhexmaraya qalab wax soo saar

Power Rating

Korontada dhexmaraysa

Materials Worked

Agabka uu kushaqeeyo

Maintence Schedule

Jadwalka dayactirka

Usage Levels

Heerarka isticmaalka

Tolerance Class

Adkeysiga qalabka

Current Firmware

Nidaamka (software ka) shirkad ee lagu isticmaalo 

Uninterrupted Power Supply

Koronto/ Dab joogto ah

Equipment properties 

Sifooyinka Qalabka

Axes

Dhidibadda

Bed Size

Baaxada

Bending Length

Dhererka la qaloocin karo

Build Volume

Muga dhiska

Chuck Jaw Diameter

Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan

Collet Size

Cabirka isku xajiyaha

Computer Controlled

Kumbiyuutar ku hagid

Cross Slide Travel

Masaafada si gudban u socdaha

Daylight / Opening

Daloolka/ Halka iftiinku kasoo galayo

Distance Between Centres

Masaafada udhaxeeysa labada xudumood

Ejector Threads

Iskaalmiitida/ Qiiq saaraha

Extraction System

Nidaamka soosaarida

Gantry Material

Qalabka laga sameeyo wiishka

Hot Runner Compatible

La jaanqaadida qalabka heerkulka xakameeya

Laser Power

Awooda laysarka

Layer Resolution

Xajmiga Lakabka

Locating Ring Diameter

Helitaanka dhexroorka giraanta

Material Worked

Agabka la isticmaalayo

Maximum Clamping Force

Awooda iskudhajineed ee ugu sareeysa

Maximum Shot Volume

Mugga durritaanka ugu badan

Maximum Spindle Speed

Xawaaraha wareega ee ugu badan

Maximum Tie Bar Distance

Masaafada ugu dheer ee birta isku xidhaya biraha

Nozzle Size

Cabirka qasabada

Nozzle Radius

Dhexroorka qasabada

Optimal Material

Agabka ugu wanaagsan

Pieceholding Type

Qaabka iskuxidhka

Press Force

Awooda cadaadiska

Punch Force

Awooda Feedhka

Spindle Rotation

Wareega wadayaasha

Stations

Saldhigyada

Station size

Cabirka Saldhigyada

Tailstock Sleeve Travel

Socodka gacanka madaxa dambe

Tooling Type

Nooca qalabaynta

Turning Capacity / Swing

Awooda isrogida/ Maroojinta

Working Surface

Dusha saree ee goobta shaqada

X Travel

Socdaalka X

Y Travel

Socdaalka Y

Z Travel

Socdaalka Z

1. Horudhac

Halbeegan waxaa bilaabay Isbahaysiga Wax soo saarka Internetka (Internet of Production Alliance) waxaana horumariyey koox shaqaale ah oo leh xubin furan. Waxaa loogu talagalay in lagu abuuro hab joogto ah oo diiwaan gelinaya laguna wadaagayo macluumaadka ku saabsan awoodaha wax soo saar si ay ugu fududaato dadka in ay aqoonsadaan halka qalabka lagu samayn karo gudaha dalka ama meel kasta oo adduunka ah.

Hagahan waxaa loo qaabeeyey in uu isticmaali karo qof kasta oo ururiya ama wadaaga xogta ku saabsan awoodaha wax soo saarka, oo ay ka mid yihiin dawladaha, ururada aan dawliga ahayn (NGO-yada), hay'adaha gargaarka, Khariidayayaasha bulshooyinka, sameeyayaasha iyo goobaha wax soo saar. Halbeeggu wuxuu qeexayaa xogta buuxinaysa baahiyaha kiisas kala duwan oo la isticmaalo iyo ujeeddooyin.

Waxaynu ugu yeedhnaa tan "Open Know-where".

Isticmaalida heerka "Open Know-where" waxa uu:

  • Kor u qaadayaa ogaanshaha xarumaha wax soo saarka iyo qalabka yaala gudaha warshadaha wax soo saara iyo bulshooyinka wax sameeya.

  • Awood u siinayaa qofka raba in uu galo xarun wax soo saarta si uu u ogaado cidda ay tahay in ay la xidhiidhaan.

  • Kor u qaadayaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa isticmaalayaasha iyo shabakadaha isku xidhan.

  • Ka dhigayaa xogta ku saabsan goobta awoodaha wax soo saar mid si fudud loo heli karo marka loo baahdo.

  • Sahlayaa in si wanaagsan loo habeeyo loona maareeyo xogta, si loo ururiyo, loo habeeyo, loo waydiiyo loona sifeeyo.

  • Awood u siinayaa in agabka loo isticmaalo habeynta ay si fudud uga soo saaraan qiimaha ugu sareeya xogta.

Guud ahaan, mar walba uu halbeegu noqdo mid caalamiya, waa mar walba uu noqdo mid faa'iido badan leh. Mabda'a ayaa ah in uu yahay halbeeg furan oo cid walba ay isticmaali karto, haddii xogta loo isticmaalo in lagu qeexo loo baahiyo si guud iyo in kaleba. 

Halbeegu waxa uu daboolayaa shan fikradood (noocyo) kuwaas oo hindisayaasha khariidadaynta ay sida caadiga ah qeexaan. Fikrad kasta, waxaanu isku daynay in aan u habayno qalabka ilaa heer qayb hoose oo faahfaahsan oo ku haboon, taas oo ka caawinaysa qof inuu ogaado halka wax lagu samayn karo.

Shanta nooc waa:

  • Xarunta Wax soo saarka

  • Wakiilka (Dadka iyo Ururka)

  • Goobta

  • Qalabka

  • Agabka

Dhinacyo dhawr ah oo ka mid ah noocyada ayaa loo qaabayn karaa iyada oo loo marayo kala-saarid iyo qaamuusyo. Isticmaalka habkan macnaheedu waxa weeye hindisayaasha iyo xarumaha wax soo saarka ayaa si fudud u wadaagi karaan, u barbar dhigi karaan oo ayna iskugu geyn karaan xogta. Tani waa muhiim, maadaama hadda aysan jirin qaab tan lagu sameeyo iyada oo aanan la nuqulin magacyada goobta iyo xogta. Awoodda ah in si fudud loo wadaago xogta waxay dhiirigelinaysaa dhismaha xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya isticmaalayaasha iyo shabakadaha. Tani waxay horseedi doontaa in la hagaajiyo dukumentiyeynta, isku xidhka, iyo helitaanka khariidada hindisayaasha, xarumaha wax soo saarka iyo qalabka yaala gudaha xarumaha wax soo saarka iyo bulshooyinka wax sameeya.

Ujeeddadu waxa ay tahay in xogta lagu soo saaro iyada oo la isticmaalayo "Open Know-where" ay noqoto mid waxtar leh oo xog badan wadata, halkii ay ka ahaan lahayd mid isku hallayn leh. Waxaan u qaadaneynaa in soo iibsi kasta oo ka dhashay xogta la faafiyey iyada oo la adeegsanayo halbeegan ay wali ku lug yeelan doonto isdhexgalka tooska ah ama dhex dhexaadinta u dhexeeysa isticmaalaha/iibsadaha iyo xarunta. Nuqulada hagahan ee mustaqbalka soo bixi doona waxa ay u jahaysan doonaan habab aad u adag oo lagu qeexayo macluumaadka si loo suurtageliyo nidaamyada wax iibsiga ee baahsan.

Mashruucan waxa uu daba socdaa guushii laga gaadhay halbeega diiwaangelinta "Open Know-How", kaas oo la sii daayay Sebtembar 2019.

1.1. Baaxadda

Hagahani waxa uu qeexayaa halbeeg bixinaya hab lagu ogaanayo la iskuna waydaarsanayo goobta awoodaha wax soo saar iyo halka laga helayo meel wax lagu sameeyo. Tani waxay ka tarjumaysaa yoolka uu aasaasay Isbahaysiga Wax soo saarka Internetka (Internet of Production Alliance) oo ujeeddadiisu ay tahay horumarinta tignoolajiyada iyo kaabayaal awoodda siinaya si ay u taageeraan tallaabo caalami ah oo ku aadan wax soo saarka baahsan iyo kuwa gudaha dalka.  

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Isbahaysiga Wax soo saarka Internetka (Internet of Production Alliance) waxaa laga heli karaa halkan: https://global.us17.list-manage.com/subscribe?u=9ef0e368cc373faed18dbfc77&id=1e6d61b540

Hagaha "Open Know-Where" ayaa u qeexaya xogta si:

  • Loo Diiwaangeliyo goobta awoodaha wax soo saarka ee ka jira adduunka oo dhan.

  • Loo wadaago macluumaadka ku saabsan xarumaha wax soo saar iyo awoodaha wax soo saar.

  • Loo wanaajiyo isku xidhka ka dhex jira warshadaha wax soo saara iyo bulshooyinka wax sameeya.

Hagaha Open Know-Where waxa uu bixinayaa heerka faahfaahinta looga baahan yahay diiwaangelinta degdega ah iyo mid fudud ee awoodaha wax soo saarka iyo xarumaha wax soo saara.

Inkasta oo loo qaabeeyay in cid walba isticmaali karta, dadka loogu talagalay waa:

  • Khariidadayaasha

  • Bulshooyinka wax sameeya

  • Dawladaha

  • Ururrada aan dawliga ahayn

  • Hay'adaha gargaarka

  • Madalaha ay ku taxan yihiin awoodaha wax soo saar ee maxalliga ah 

Halbeegu ma qeexayo qaabka xogta ay noqonayso ama hab maamuuska iswaydaarsiga, taa beddelkeeda waxa uu hiigsanayaa in uu taageero isticmaalka baahsan ee kiisaska laga bilaabo kooxaha xogaha ee ku salaysan xaashiyaha ilaa iyo madalaha ku salaysan shabakadaha. 

1.2. Qaab dhismeedka dukumentigan:

Hagahani waxa loo qaybiyey siddeed qaybood oo waaweyn:

  1. Horudhac - Waxa uu bixinayaa dulmar guud oo ku saabsan asalka, baaxadda iyo ujeedada halbeegan.

  2. Jaantuska Qaabaynta Xogta – waxa uu bixinayaa aragtida guud ee qaabaynta xogta "Open Know-Where"

  3. Isticmaalka Qaabaynta Xogta – waxa ay ku siinaysaa hagis ku saabsan sida loo isticmaalo qaabka xogta, oo leh jawaabaha su'aalahayaga inta badan la is weydiiyo.

  4. Xarunta Wax soo saarka - waxa ay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha xarunta wax soo saarka. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.

  5. Wakiilka - wuxuu qeexayaa sifooyinka la xidhiidha dadka iyo ururrada. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.

  6. Goobta - waxay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha meelaha. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.

  7. Qalabka - waxay qeexayaa sifooyinka la xidhiidha qalabka. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.

  8. Agabka - waxay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha agabka. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.

  9. Diiwaangelinta xogta - waxay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha diiwangelinta xogta. Qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.

1.3. Qoraalka Farsamo

Qorista farsamo ee nuqulka 1.0 waxaa fuliyey Barbal Limited.

Halbeega waxaa lagu sameeyay iyada oo la kaashanayo hagida kooxda shaqada ee Open Know-Where ka dib waraysiyo wax ku ool leh oo taxane ah oo lala yeeshay xubnaha NGO-yada, hay'adaha gargaarka, khariidadayaasha bulshada, sameeyayaasha, iyo madallada, iyo falanqaynta xog-ururinta ee ay nala soo wadaageen hindisayaasha khariidadaynta iyo ururada. Laga bilaabo cilmi-baadhistan bilawga ah, qaabayn xog oo fikir ah ayaa la sameeyay waxaana loo qaybiyay daneeyayaasha si ay uga faalloodaan. Dukumeentigani waa qaabaynta qaabka xogtaas waxaana ku jira sharraxaadaha dhinac kasta iyo hagitaan ku saabsan sida ay hindisayaasha khariidadaynta ay u hirgelin karaan habka habaysan ee ay sharaxayso. 

1.4. Xubnaha Kooxda Shaqada

Kuwa soo socda ayaa si toos ah uga qaybqaatay horumarinta hagahan.

Magaca

Ururka

Andrés Barreiro

Wikifactory

Charles Barrete

Field Ready

Pierre-Alexis Ciavaldini

Makernet

Liz Corbin

Metabolic

Guillaume Coulombe

Fab Labs Québec / Procédurable

Marc-Olivier Duchame

Fab Labs Nation

Andrew Lamb

Field Ready / Internet of Production Alliance

Anna Sera Lowe

Manufacturing Change / Internet of Production Alliance

Bryn John

Field Ready

Ben Oldfrey

UCL

Nathan Parker

MakerNet.work

James Ochuka

Juakali Smart

Alessandra Schmidt

Make Works

Hannah Stewart

RCA / Dark Matter Labs

Aziz Wadi

Field Ready

Anna Waldman-Brown

MIT

Dad ka badan inta halkan ku qoran ayaa lala tashaday, waxaanan wali soo dhawaynaynaa talo bixin kasta oo ka timaada qof kasta oo raba in uu ku lug yeesho "Open Know-Where".

2. Jaantuska Qaabaynta Xogta

Jaantuskani waxa uu muujinayaa noocyada, sifooyinka iyo xidhiidhka lagu soo bandhigay qaybaha waa weyn ee soo socda.

In kasta oo qaabayntu ay matalayso qorshaha xidhiidheed ee ka dhexeeya fikradaha, hadana lama filayo in dhammaan hindiseyaasha ay wada isticmaali doonaan qaabaynta oo dhan. Nashqada waxa loo qaabeeyey si hindisayaasha shaqsiga ahi ay diiradda u saaraan oo keliya dhinacyo gaar ah ka dibna xogta ayaa la isku geyn karaa inta u dhaxaysa xog ururinta si loo abuuro aragti qani ah, lehna awood badan. 

Tusaale ahaan, hindise lagu sameynayo kayd xog-ururin oo furan oo ah awoodaha qalabka oo leh cida sameysay iyo moodeelka ayaa lagu biirin karaa khariidada hindise sameeyaal ka mid ah gobol kaas oo liis gareeya sameeyaha iyo moodeelka qalab la heli karo si qof looga caawiyo in uu garan karo halka hababka wax soo saarka ee gaarka ah ee ay baahan yihiin laga heli karaa. 

3. Isticmaalida Open Know-Where

3.1. Qof kastaa ma isticmaali karaa Open Know-Where?

Qof kastaa waa uu hirgelin karaa qaabaynta xogta. Waxaa loo qaabeeyey in lagu dabaqo kiisas kala duwan oo la isticmaalo waxa ayna bixinaysaa heerka faahfaahineed ee loo baahan yahay si loo sameeyo khariidad degdeg ah ama mid fudud iyo diiwaangelinta awoodaha wax soo saar iyo xarumaha wax soo saarka. Waxaa isticmaali kara hay'adaha rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, iyo qof kasta oo khariidadaynaya awoodaha wax soo saar iyo xarumaha wax soo saarka.

3.2. Xogtayda waxa heli kara oo kaliya xubnaha, miyaan ku qasbanahay in aan lacag la'aan ugu ogalaado in lagu heli karo?

Maya, halbeegan waxba kama beddelayo qaababka loo heli karo macluumaadkaaga.

3.3. Tani ma waxay ku saabsan tahay in xogta lagu daabaco onlaynka?

Qasab ma'aha. Ujeedada aasaasiga ah ee "Open Know-Where" waa in la fududeeyo wadaaga macluumaadka u dhexeeya hindisayaasha khariidadaynta iyo hay'adaha kale ee isticmaali kara xogta. Ma fileyno in hindiseyaal xo goo badan ay dooran doonaan inay dhammaan macluumaadka si furan ugu daabacaan internetka oo ayna kula taliyaan hindisayaasha khariidadeynta in ay tixgeliyaan sirta iyo amniga xarumaha, ururada, iyo shakhsiyaadka iyo oggolaanshaha (Maldahan ama si cad loo sheegay) ee ay u haystaan isticmaalka macluumaadka ay soo ururiyeen ama ay heleen. Xaaladaha qaarkood, waxay noqon kartaa caqli gal in dib loo tafatiro macluumaadka si ay ugu habboonaato in lagu daabaco onlaynka, tusaale ahaan. sheeg magaalada oo ha sheegin ciwaanka buuxa, ama soo bandhig bogg laga soo gelo si loo helo macluumaadka lagala xidhiidhi karo.

3.4. Sidee baa kala soocida loo gaadhay?

Heshiisyada magac bixintu waxay ogolaadaan in macluumaad waxtar leh lagala soo dhex baxo joogtaynta, waxay ka hortagayaan jahawareer ka dhex dhaca kuwa kale ee ururinaya xog isku mid ah, waxayna u sahlaysaa kuwa kale inay fasiraan xogtaada.

Marka la isticmaalayo heshiisyada magac-bixineed sida Wikipedia, kala-soociddu waxay si fudud u siinaysaa URL-ka Wikipedia ah ee khuseeya waxayna tixraacaysaa maqaalka Wikipedia ah ee u dhigma fikradda laga hadlay. Tusaale ahaan, iyada oo la marayo habkan kala soocida, waxaad isticmaali kartaa maqaalka Wikipedia ah ee u dhigma habka wax soo saar, si aad u qeexdo hanaanka awooda wax soo saar ee xarun. Isla sidaas oo kale ayaa lagu dabaqi karaa qalabka iyo agabka. Habkan kala soocidda ayaa ka dhigaya habka wax soo saar, qalabka iyo agabka mid si fudud loo dhex mushaaxo, waxayna bixinaysaa joogtayn dhammaan noocyada.

Tusaale ahaan, habka isku xidhka birta ee Brazing:

Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Brazing

3.5. Sidee baan u isticmaali karaa nidaamka kala soocida?

Si loo fududeeyo joogteynta, Open Know-where waxay ku talinaysaa in la isticmaalo nidaamka kala soocida ee horey jiray ee qalabka, habka Wax soo saar iyo agabka. Tani waa Wikipedia.

Si loo kala saaro qalabka:

Si aad u tixraacdo in xarun ay hayso qayb qalab ah, tusaale ahaan birta alxanka, waxaad si fudud u koobiyeyn kartaa oo aad u ku dhejin kartaa URL-ka Wikipedia ah ee birta alxanka goobta loogu talagalay.

Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Soldering_iron

Si loo kala saaro habka wax soo saar:

Si loo kala saaro habka wax soo saar, tusaale ahaan alxanka, waxaad si fudud u koobiyeyn kartaa oo aad ku dhejin kartaa URL-ka Wikipedia ah ee khuseeya ee alxanka meesha loogu talagalay.

Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Soldering

Si loo kala saaro agab:

Si loo tixraaco agab, tusaale alluumiiniyam, waxaad si fudud u koobiyeyn kartaa oo aad ku dhejin kartaa URL-ka Wikipedia ee khuseeya alluumiiniyamka goobta loogu talagalay.

Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Aluminium 

3.6. Qaabkee xog ah ayay qaabaynta xogtu ogoshahay?

Nashqada waxa loo qaabeeyey in ay taageerto qaab kasta oo xog ah oo habaysan. Ma jirto talo bixin ku saabsan sida xogta loo kaydinayo ama loo wareejinayo.

3.7. Halbeegyadee ayuu haguhu adeegsadaa?

Halkii kala soocid loo sameeyn lahaa qalabka, hababka wax soo saar iyo agabka, waxaan isticmaalnay Wikipedia tixraac ahaan.

Haguha ayaa sidoo kale tixraacaya ISO 8601, qaabka YYYY-MM-DD ee taariikhda, iyo ISO 639-2 ama ISO 639-3, tusaale ahaan “en-gb”, si loo diiwaangeliyo luuqadaha.

3.8. Open Know-Where mala jaanqaadi karaa Open Know-How?

Open Know-Where waa uu ka faahfaahsan yahay nuqulka 1-aad ee Open Know-How, kaas oo gaadhaya oo kaliya ilaa inta calaamadaynta dukumentiyada loo isticmaalo wax samaynta. Waxaan rajaynaynaa in nuqulada dambe ee Open Know-How ay dabiqi doonaan isla habka uu isticmaalay 'Open Know-where' ee loo isticmaalo kala soocida qalabka, agabka iyo hababka si labada halbeeg ay si buuxda u wada shaqeyn karaan.

3.9. Maxay sifooyinka iyo sifooyinka-hoose ay ka dhigan yihiin?

Qaybtani waxay qeexaysaa qaabka loo isticmaalay qeexida sifooyinka. Liiska sifooyinka waxaa lagu faahfaahiyey qaybaha afraad, shanaad, lixaad, todobaaad iyo siddeedaad. Mid kasta oo ka mid ah qaybahan waxaa lagu hagay summad loo qoondeeyay goob kasta.

Sifooyinka-hoose waxaa loo isticmaalaa in si loo kooxeeyo sifooyinka la xidhiidha fikrad gaar ah oo laga yaabo in lagu dabaqi karo xaalad gaar ah (tusaale, dhinacyada waxbarasheed ee goob hal abuur).

Sifo kasta, hagahan soo socda ayaa la siiyey halka loo isticmaali karo.

Summada

Magac uu akhrin karo aadanaha ayaa loo qoondeeyay ereyga.

Magaca goobta

Magaca goobta ee caadiga ah ee uu akhrin karo kombuyuutarka. Badanaaba tani waa summada lagu tilmaamay xarfaha labada kalmadood ee isku dhagsan.

Qeexid

Jumlad taas oo u taagan fikradda ereyga.

Qaabka

Habka lagu taliyay in loo isticmaalo goobta.

Fiiro gaar ah

Qodobbo dheeri ah oo ah in la xasuusto.

Tusaale

Tusaale sida ereyga loo isticmaali karo.

3.10. Hagaha dhamaantiisu ma waajib baa?

Ma jirto dhinac ka mid ah hagaha oo waajib ah. Si kastaba ha ahaatee, mar walba oo si adag loo raaco hagaha, waa mar walba oo ay waxtar u yeelan doonto xogta dadka kale marka lala wadaago.

Kooxda shaqada ee Open Know-Where waxa ay rajaynaysaa inay horumariyaan hagayaal fulin oo loo isticmaali karo xaalado isticmaal oo gaar ah taas oo ka dhigi karta dhinacyada qaar mid waajib ah xaaladaha qaarkood, tusaale; Barnaamijyada (Apps) bini'aadantinimada ayaa laga yaabaa inay qeexaan in qaabab gaar ah loo isticmaalo goobaha ama Luuqadda Isdhaafsiga ee Bani'aadamnimada (Humanitarian Exchange Language HXL) in loo isticmaalo goobta.

3.11. Xogtayda qayb kamid ahi waa xasaasi mana doonayo inaan wadaago.

Taasi waa caadi. Waa in aad go'aan ka gaartaa haddii macluumaadka aad wadaagayso ay wax u dhimi doonto kalsoonida, sirta, ama ammaanka xarumaha ama shakhsiyaadka ay macluumaadka la xidhiidho, waana in aad isticmaasho habka ku salaysan khatarta marka aad go'aaminayso sida aad xogta u wadaagayso iyo cidda aad la wadaagayso.

3.12. Ma la isticmaali karaa Open Know-Where xaashiyaha?

Haa, halbeega waxaa loogu talagalay inuu la shaqeeyo qaab kasta oo xog habaysan. Naqshadu waa sidaas oo aanu fileyno inaad isticmaali doonto xaashiyaha kala duwan ee ku dhex jira buugga Excel-ka mid kasta oo ka mid ah shanta nooc, ka dibna aad isticmaali doonto furaha aasaasiga ah ama shaqooyinka kale ee xaashiyaha si aad isugu xirto dhexdooda.

3.13. Qaabkee taxane xog ayay tahay in aan isticmaalo?

Open Know-Where waa uu la jaanqaadi karaa qaab kasta oo la isticmaalo si xog taxane ah looga dhigo, tusaale ahaan, XML, JSON, iyo YAML. Waxaa laga yaabaa inay ku caawiso inaad la hadasho cidda aad xogta isweydaarsanaysaan si aad u ogaato qaabka ugu habboon.

3.14. Sidee buu Open Know-Where ula macaamilaa xogta isku xidhan ee ku jirta kooxaha xog-ururinta?

Ma aanu samayn wax talo ah oo ku saabsan sida loogu xidhidhiyo xogta la xidhiidha ee kooxaha xog-ururinta, si kastaba ha ahaatee, nooc kastaa wuxuu leeyahay goobo (ama isku darka goobo) kuwaas oo loo isticmaali karo tixraacyo gaar ah. 

3.15. Ma waxay noqon doontaa shaqo badan in dib wax looga badalo xogtaydii hore si ay ula jaanqaado Open Know-Where?

Laga yaabaa. Qaabaynta xogtu uma baahna inaad soo ururiso xog cusub, maadaama aanay qasab ahayn in la isticmaalo dhammaan sifooyinka, laakiin waxa laga yaabaa inaad dib u habayn ku samayso xogtaada. Qadarka shaqadu inta ay la'eg tahay waxay ku xidhnaan doontaa cabbirka uu yahay kooxda xog-ururintaada.

3.16. Maxaa dhacaya haddii aan doonayo inaan soo ururiyo macluumaad aanan lagu daboolin Open Know-Where?

Xor ayaad u tahay inaad kordhiso goobaha aad ku isticmaashid xog-ururintaada, waxa laga yaabaa oo kaliya in aanay dadka kale aqoonsan. Haddii aad u malaynayso in sifooyinkaaga ay kordhin faa'iido ah u yeelan doonto hagaha Open-Know Where lafteeda si ay dadka kale u isticmaalaan, la xidhiidh kooxda shaqada oo kugula tali ku kordhinta.  

4. Sifooyinka Xarumaha Wax soo saarka

Qaybtani waxa ay ku daraysaa sifooyinka muhiimka ah ee la xidhiidha 'Xarunta Wax-soo-saarka'. Xarun waxaan ula jeednaa goobta shaqada ee loo isticmaalo wax soo saarka.

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo goobo shaqo ah, ka bilaabanaya xarumaha warshadaha sida xarumaha wax soo saar ilaa iyo xarumaha wax soo saarka ee yar-yar sida tukaamada wax soo saara ilaa iyo xarumaha wax soo saara ee wadaagga ah, xataa kuwa farsamayaqaannada ah ee ku shaqeeya guriga. Ujeedada Open Know-Where waa in lagu sawiro laguna soo ururiyaa sifooyinka ay wadaagaan dhamaantood, iyo sidoo kale in la qeexo shay'ada muhiimka ah ee lagu dabaqi karo oo kaliya noocyada qaar ee ka mid ah xarumaha wax soo saarka. Tusaale ahaan, meelaha hal-abuurka ah waxaanu ku soo darnay sifooyin-hoose oo ay ka mid yihiin agabka waxbarasho, kuwaas oo aan khusayn dhammaan xarumaha wax soo saarka balse muhiim u ah kuwa ku dhex jira bulshooyinka wax soo saarka.

Halka sifooyinka si macquul ah loo ururiyey, sida 'Awoodda Aadanaha' iyo 'Sifooyinka Goobaha Hal-abuurka', waxa loo soo bandhigay sidii ururin sifooyin-hoosaadyo ah.

4.1. Magaca

Qeexid: Magaca xarunta.

Qaabka: Sheeg magaca xarunta.

4.2. Goobta

Qeexid: Goobta ay ku taalo xarunta.

Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Goobta.

4.3. Mulkiilaha

Qeexid: Wakiilka leh ama maamula xarunta..

Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.

4.4. Xidhiidhka

Qeexid: Wakiilka lagala xidhiidhayo wixii su'aalo ah ee ku saabsan wax samaynta.

Format: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.

4.5. Xidhiidh la leh

Definition: Wakiilka (lada) ay xarunta wax soo saarku ay xidhiidhka la leedahay.

Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.

Fiiro gaar ah: Xidhiidh la yeelashada waxaa loo isticmaali karaa in lagu qeexo nooca xarunta, tusaale ahaan, ku xidhnaanta FabLabs.org waxay tusinaysaa in xaruntu ay tahay FabLab.

4.6. Xaalada Xarunta

Qeexid: Xaalada Xarunta.

Qaabka: Isticmaal mid ka mid ah kuwan soo socda:

  • Shaqeynaysa

  • La qorsheeyay

  • Si ku meel gaadh ah u xidhan

  • Xidhan

4.7. Saacadaha Furitaanka

Qeexid: Saacadaha ay xaruntu shaqeyso.

Qaabka: Qoraal.

4.8. Sharaxaad

Qeexid: Sharraaxada Xarunta.

Qaabka: Qoraal.

4.9. Taariikhda La Aasaasay

Qeexid: Taariikhda xarunta la aasaasay.

Qaabka: Habka lagu taliyay waa in la isticmaalo ISO 8601, tusaale, qaabka YYYY(Sanadka)-MM(Bisha)-DD(Maalinta).

Fiiro gaar ah: Waa la aqbali karaa in lagu daro sanadka oo kaliya (YYYY) ama sanadka iyo bisha (YYYY-MM).

4.10. Nooca Isticmaalka

Qeexid: Sidee baa qalabka wax soo saarka ah loo isticmaalaa.

Qaabka: Isticmaal mid ka mid ah kuwan soo socda:

  • Xaddidan (kaliya dadka qaarkood (tusaale xubnaha shaqaalaha) ayaa isticmaali kara qalabka)

  • Lagu xaddiday saacado ay dadweynaha isticmaali karaan (qalabka waxaa isticmaali kara dadweynuha saacado xaddidan)

  • Goob la wadaago (xaruntu waa goob shaqo oo la wadaago halkaas oo isticmaalku uu ku xidhan yahay shuruudaha u-qalmitaanka (tusaale, kiraysashada miis ama goobta shaqada))

  • Dadweyne (qof kastaa waa uu isticmaali karaa qalabka (tusaale, tababar ayaa laga yaabaa in looga baahdo, xadidaado kalena waa lagu dabaqi karaa))

  • Xubinimo (Isticmaalku waxay u baahan tahay xubinimo, taas oo ay heli karaan dadweynaha ama tiro dad oo cayiman)

Fiiro gaar ah: Loogu talagalay xarumaha, u isticmaal goobtan sidii mid ku salaysan shuruudo (tusaale ahaan haddii inta badan qalabka ay heli karaan xubnaha, laakiin qalabka qaarkood ayaa u baahan shaqaale si ay ugu shaqeeyaan, isticmaal Xubinnimada). Goobtan waxa kale oo loo isticmaali karaa sidii sifo u gaar ah qalab gooni ah halkaas oo xaruntu ay leedahay noocyo kala duwan oo qalab kala duwan ah.

4.11. Isticmaalka Kursiga Curyaanka

Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarku ay tahay mid u fudud in lagu isticmaalo kursiga curyaanka.

Qaabka: Qoraal.

4.12. Qalabka

Qeexid: Qalabka diyaarka ku ah xarunta wax soo saarka si loo isticmaalo.

Qaabka: Tax qalabka la heli karo adiga oo isticmaalaya nooca Qalabka.

4.13. Hababka wax soo saarka

Qeexid: Nidaamyada wax soo saarka ee caadiga ah ee laga isticmaalo xarunta.

Fiiro gaar ah: Tilmaamaha sida tan loo sameeyo, fadlan eeg Qeybta 3.5.

4.14. Cabbirka caadiga ah dufcadda

Qeexid: Cabbirka caadiga ah ee halka dufcad ee wax soo saar.

Qaabka:  Isticmaal mid ka mid ah kuwan soo socda:

  • 0 – 50 unug

  • 50 – 500 unug

  • 500 – 5000 unug

  • 5000 + unug

4.15. Baaxadda / Cabbirka Dhulka

Qeexid: Baaxadda ama cabbirka dhulka ay ku fadhido xarunta wax soo saarka.

Qaabka: Tiro. Unug: Mitir Labajibbaaran (sqm).

Fiiro gaar ah: Tani waxay ka caawinaysaa isticmaale qiyaasta cabbirka xarunta wax soo saarka.

4.16. Awoodda Kaydinta

Qeexid: Awoodda kaydinta ee xarunta wax soo saarka.

Qaabka: Qoraal.

Fiiro gaar ah: Tani waxay ka caawinaysaa isticmaalaha qiyaasta awoodda kaydin ee xarunta wax soo saarku u leedahay soo saarista iyo kaydinta alaabta.

4.17. Agabka caadiga ah

Qeexid: Agabka caadiga ee ay xaruntu isticmaasho.

Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Agabka.

4.18. Shahaadooyinka

Qeexid: Shahaadooyinka ay heshay xarunta.

Qaabka: Tax liiska shahaadooyinka.

Fiiro gaar ah: Aqoonta kuwani waxa ay aad muhiim ugu tahay wax soo saarka iyo soo iibsiga aan rasmiga ahayn. Tusaale ahaan, hay'adaha gargaarku waxay awood u yeelan doonaan inay arkaan xarumaha wax soo saarka ee leh shatiyada wax soo saar ee gaar ka ah, sida soo saarista dawooyinka.

4.19. Matoor dab-dhaliye kayd ah

Qeexid: haddii xarunta wax soo saarku ay leedahay dab-dhaliye kayd ah.

Qaabka: HAA / MAYA

Fiiro gaar ah: Aqoonta arrintani waxay si gaar ah faa'iido ugu leedahay meelaha ay ka jirto koronto la'aan joogto ah.

4.20. Koronto Joogto ah

Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarku ay leedahay koronto aan kala go' lahayn.

Qaabka: HAA / MAYA

4.21. Waddo loo maro

Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarka ay leedahay waddo loo maro.

Qaabka: HAA / MAYA

4.22. Goob alaabta lagu rogo/raro

Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarku leedahay meel alaabta lagu rogo/raro.

Qaabka: HAA / MAYA

4.23. Jadwalka Dayactirka

Qeexid: Jadwalka dayactirka xarunta ee wax soo saarka.

Qaabka: Qoraal.

4.24. Alaabta caadiga ah

Qeexid: Alaabooyinka caadiga ah ee ay soo saarto xarunta.

Qaabka: Liis garee alaabta caadiga ah ee la soo saaro.

4.25. Shuraakada/Maalgeliyaha

Qeexid: Wakiilka la shuraakooba ama maalgeliya xarunta.

Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.

4.26. Faallada macmiisha

Qeexid: Faallooyinka macaamiisha xarunta.

Qaabka: Qoraal.

4.27. Sifo-hoosaadka Dhaqaalaha Wareega

Qaybtani waxay la xidhiidhaa Dhaqaalaha Wareega. Qeexida Dhaqaalaha Wareega ee la adeegsaday waxaad ka heli kartaa halkan.

4.27.1. Dhaqaalaha Wareega

Qeexid: Haddii xarun wax soo saar ay ku dabaqmayso mabaadi'da Dhaqaalaha Wareega.

Qaabka: HAA / MAYA

4.27.2. Sharaxaad

Qeexid: Qeexida sida loo dabaqay mabaadi'da dhaqaalaha wareega.

Qaabka: Qoraal.

4.27.3. Alaabta sida lama filaan ka ah loo sameeyo

Qeexid: Liis garee alaabooyinka sida lama filaan ka ah loo soo saaro iyada oo la doonayay in wax kale la sameeyo.

Qaabka: Waxa uu adeegsanayaa nooca Agabka.

4.28. Sifo-hoosaadka Awoodda Aadanaha

Qeexid: Sifo-hoosaadka awoodda dadka ee xarunta.

4.28.1. Madax taabasho

Qeexid: Tirada dadka jooga xarunta ee FTE (U dhiga shaqaalaha waqtiga buuxa), iyadoo la adeegsanayo qeexitaanka halkan lagu bixiyay.

Qaabka: Tiro.

Fiiri gaar ah: Waxaa faa'iido u leh isticmaalaha / NGO / hay'ad gargaar in ay u go'aamiso baxaadda ay la'egtahay xarunta.

4.28.2. Sameeyaha

Fiiro gaar ah: Sababta loo aqoonsaday waa shaqooyinka mustaqbalka.

4.29. Sifo-hoosaadka goobaha hal-abuurka

Qeexid: Sifo-hoosaadka goobaha hal-abuurka.

4.29.1. Shaqaalaha

Qeexid: Tirada shaqaalaha ee taageeraya hal-abuurka iyo dhinacyada waxbarasho ee xarunta.

Qaabka: Tiro.

Fiiro gaar ah: Waxaa faa'iido leh in lagu caawiyo go'aaminta baaxadda xarunta.

4.29.2. Agabka Waxbarasho

Qeexid: Agabka waxbarasho ee laga helayo xarunta.

Qaabka: Liis garee agabka waxbarasho.

Fiiro gaar ah: Waxay faa'iido u leedahay isticmaaluhu inuu ka warqabo agab kasta oo waxbarasho - koorsooyin, xiisado waxbarasho iyo iwm. ee laga yaabo in xarunta wax soo saarka ay leedahay / ka baxa.

4.29.3. Adeegyada

Qeexid: Adeegyada ay bixiso xarunta wax soo saarka.

Qaabka: Tax adeegyada la bixiyo.

4.29.4. Tirada dadka soo galaya

Qeexid: Tirrada dadka soo galaya ee jooga xarunta wax soo saarka.

Qaabka: Isticmaal Tiro.

Fiiro gaar ha: Waxaa faa'iido leh in lagu caawiyo go'aaminta baaxadda xarunta.

4.29.5. Goobaha deganaanshaha

Qeexid: Xarunta wax soo saarku ma leedahay goobo deganaansho.

Qaabka: HAA / MAYA

5. Sifooyinka Wakiilka

Noocani waxa uu ku darayaa sifooyinka la xidhiidha ‘Wakiilka’. Hindisayaasha khariidadaynta waxay muujiyaan xidhiidho kala duwan, oo u dhexeeya mulkiilayaasha, maamulayaasha, maalgeliyayaasha, meesha lagala xidhiidhayo, dadka, xubnaha, iyo wixii la mid ah. Si taas loo kala saaro, waxaanu isku mid ka dhignay sifooyinka dadka iyo ururada, ama ‘wakiilka’ oo ah erey dallad ah. Waxaan go'aansannay inaan dadka iyo ururrada ay kusii jiraan hal nooc, sababtoo ah inta badan waa ay is-bedbedeli karaan. Tusaale ahaan, mulkiiluhu waxa uu noqon karaa qof ama urur.

Sifooyinka qaarkood sida 'meesha lagala xidhiidhayo' iyo 'Baraha Bulshada', ayaa si dheeraad ah loo sii sameeyay si loogu daro sifooyinka hoos yimaad ee muhiimka ah. Tusaale ahaan, ku daridda sifo-hoosaadka 'Baraha Bulshada' ayaa lagu daray iyada oo dad badan ay tilmaameen in Fab Labs aysan lahayn degel URL ah oo u gaar ah, laakiin ay isticmaalaan Facebook si ay u suuq geeyaan xaruntooda, mashaariicdooda, iyo awoodooda.

Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay sidii ururrin oo sifooyin-hoosaadyo ah.

 

5.1. Magaca

Qeexid: Magaca Wakiilka.

Fiiro gaar ah: Tanni waxay noqon kartaa magac qof ama urur.

5.2. Goob

Qeexid:  Goob.

Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Goobta .

5.3. Qofka lagala xidhiidhayo

Qeexid: Wakiilka ayaa ah qofka ugu muhiimsan ee lagala xidhiidho xarunta wax soo saarka ama ururka.

Qaabka: Sheeg magaca Wakiilka.

5.4. Taariikhda

Sharaxaad: Sharaxaada qof ama urur.

Qaabka: Qaabka.

5.5. Mareegta Internetka

Qeexid: Cinwaanka mareegta (Website) nternetka.

Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) khuseeya.

5.6. Luuqadaha

Qeexid: Luuqadaha ay isticmaalaan qof ama urur.

Qaabka: ISO 639-2 ama ISO 639-3, tusaale “en-gb”.

Fiiro gaar ah: inta badan xarumaha wax soo saarka ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay bixiyaan adeegyo la macaamila wax ka badan hal luqad.

5.7. Liiska Boostada

Qeexid: Liiska boostada ee urur.

5.8. Sawirrada / Warbaahinta

Qeexid: Sawirada / Warbaahinta qof, urur, ama la xidhiidha xarunta wax soo saarka.

5.9. Sifooyin-hoosaadka qofka lagala xidhiidhayo

Sharaxaad: Macluumaadka xidhiidhka oo qeexan.

5.9.1. Telefoonka Xadhigga (Lineka)

Qeexid: Nambar taleefan line ah oo lagala xidhiidho xarunta, qofka, ama ururka.

Qaabka: Sheeg taleefan nambarka.

5.9.2. Taleefanka Gacanta

Qeexid: Nambarka taleefanka gacanta ah si loo xidhiidho xarunta, qofka ama ururka..

Qaabka: Sheeg taleefan nambarka.

5.9.3. Fakis

Qeexid: Nambar fakis ah oo lagula xidhiidhi karo xarunta, qofka ama ururka.

Qaabka: Sheeg nambarka fakiska.

5.9.4. Iimayl

Qeexid: Cinwaan iimayl si loogala xidhiidho xarunta, qofka ama ururka.

Qaabka: Sheeg cinwaanka iimaylka.

5.9.5. WhatsApp

Qeexid: Nambar WhatsApp oo lagala xidhiidhi karo xarunta, qofka ama ururka.

Qaabka: Sheeg nambarka talefoonka.

Fiiro gaar ah: Xaaladaha qaarkood, isticmaalayaashu waxay kala la xidhiidhaan soosaarayaasha iyaga oo isticmaalaya WhatsApp.

5.10. Sifooyinka-hoosaadka Baraha Bulshada

Sharaxaad: Macluumaadka baraha bulshada oo sharaxan.

5.10.1. Facebook

Qeexid: Lingaxa (URL) bogga Facebook-ga.

Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) ee khuseeya.

Fiiro gaar ah: Facebook waa madal muhiim ah oo lagala xidhiidho Fablabs / xarumaha kale ee wax soo saarka. Tusaale ahaan, gudaha Filibiin, koox (Group) Facebook ah ayaa loo sameeyay dhammaan dadka Fablabs si ay ugu wada xidhiidhaan.

5.10.2. Twitter

Qeexid: Lingaxa (URL) bogga Twitter-ka.

Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) ee khuseeya.

Fiiro gaar ah: Xarumaha wax soo saarka ayaa badanaaba isku suuq geeya, waxqabadkooda iyo mashaariicdooda dhanka Twitter.

5.10.3. Instagram

Qeexid: Lingaxa (URL) bogga Instagram-ka.

Qaabka: Sheeg bogga lingaxa (URL) Instagram-ka ee khuseeya.

Fiiro gaar ah: Xarumaha wax soo saarka waxay inta badan isku suuq geeyaan, waxqabadkooda iyo mashaariicdooda dhanka Instagram.

5.10.4. Lingaxyada (URLs) kale

Qeexid: Lingaxyada kale.

Qaabka: Sheeg lingaxyada (URLs) ee khuseeya.

Tusaalooyin kale oo baraha bulshada ah oo la xidhiidha xarun wax soo saar, urur ama qof, oo aan lagu cayimin halbeegan ayaa jira, laakiin sidoo kale waa lagu dari karaa. Tusaale ahaan, fablabs.io ama hackerspaces.org.

6. Sifooyinka Goobta

Noocani waxa uu faahfaahinayaa sifooyinka muhiimka ah ee la xidhiidha 'Goobta'. Hab fudud oo halbeeg ahaan loogu soo qaato macluumaadka juquraafi ayaa ah lama huraan - si loo awoodo isticmaalka 'xarunta wax soo saaraysa' ama 'qalabka', isticmaaluhu wuxuu u baahan yahay inuu ogaado Meesha ay ku taalo. Sifooyinka hoos ku qoran waxay sharxayaan sifooyinka aasaasiga ah ee loogu baahan yahay xog ururinta.

Diiwaan gelinta goobaha juqraafiyeed way kukala duwan yihiin dawladaha caalamku. Dunida horumartay qorida, ‘Cinwaanka aad dagantahay’ sida cinwaanka waddooyinka, waa caadada diiwaan gelinta meelaha xiisaha leh ah. Halka, wadamada qaarkood, sharaxaadda goobta - tusaale ahaan 'dugsiga u dhow, geeskan', ey yihiin sharaxaado ku filan goobta. Marka xogta la diiwaan gelinayo, qeybta dambe waxa ay ku salaysan tahay xogta tayada, wayna adagtahay in la qiyaaso tiro. Sidan oo kale, nidaamka ciwaanka aanan ahayn ciwaan waddo ayaa ah mid aad u faa'iido badan. Sidaa darteed, nidaamka 'Xadidaada Goobaha GPS' iyo ‘What 3 Words' ayaa lagu dhex daray shabakada qaabaynta xogta furan ee Open Know-Where. Labada nidaam ee 'Xadidaada goobaha GPS' iyo ' 3-Eray' ayaa horeyba ay u isticmaaleen NGO-yo badan iyo ururada gargaarka marka la diiwaan gelinayo 'Goob' xarun wax soo saar iyo/ama 'qalab'.

Si ay ula jaanqaado Humanitarian Exchange Language, isticmaal Hashtag-Dooraha HXL.

Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay qaab ururin sifooyin-hoosaadyo isku xidhan.

6.1. Cinwaanka

Qeexid: Ciwaanku waa goobta ey kuyaalaan/ deganyihiin xarunta wax soo saarka, qof ama hay'ad.

Qaabka: Qorista ciwaanka waxaa loo adeegsadaa:

  • Lambarka dhismaha

  • Wadooyinka magacyadooda

  • Degmada

  • Magaalada

  • Gobolka

  • Wadanka

  • Lambarka boostada

Fiiro gaar ah: Qorida ciwaanku ayaa laga dhigay halbeeg la isku waafaqsan yahay laguna daray qodobada kor kuxusan si ay u sahlanaato isticmaalka, helitaanka, iyo isku darka macluumaadka kooxaha xogta.

Si ay ula jaanqaado Humanitarian Exchange Language, isticmaal Hashtag-Dooraha HXL.

6.2.        Xadidaada Goobaha GPS

Qeexid: Nidaam xadidaya goobaha ee GPS ee khuseeya.

Qaabka: Sheeg xadidaada goob GPS-ka adigoo isticmaalaya Halbeeg tiro tobanley ah

Fiiro gaar ah: Nidaamka xadidaada goobaha ee GPS waa halbeeg la isku waafaqsanyahay, oo lagu faahfaahiya tilaamaha ey leedahay goob, waxaana isticmaala hay’adaha gargaarka iyo kuwa hindisa khariidadaha.

 

6.3. Tilmaamaha

Qeexid: Tilmaamaha xarunta wax soo saarka, qof ama hay'ad.

Qaabka: Qoraal.

Fiiro gaar ah: Goobtan xogta tayada ah ayaa laga yaabaa inay ka caawiso helida meelaha ay adagtahay in la helo, ama aagga halbeega cinwaanka caadiga ahi aanu khusayn.

6.4. Sifooyin-hoosaadka Nidaamka 3-Eray

Qeexid: Nidaamka 3-Eray waxa loo isticmaalo goobta

6.4.1. Nidaamka 3-Eray

Qeexid: Nidaamka 3-Eray waa kalmado loo isticmaalo goobaha.

Qaabka: Sheeg kalmadaha nidaamka 3-Eray.

Fiiro gaar ah: Inta badan deegaanada aan rasmiga ahayn, ama wadamada soo koraya ma laha cinwaano waddooyin. Nidaamyadooda xadidaada goobaha GPS-kuna waxay noqon karaan kuwo dhib badan oo khaladaadka u nugul. Nidaamka 3-Eray waa hab badiil ah oo loo isticmaalo xadidaada ciwaanada goobaha Juqraafiga ah.

Goob kasta waxaa loo qeybiyay xajmi le’eg 3m x 3m labajiraan, waxana lasiiyay ciwaan 3Eray ka kooban. Ujeedadu waa  inaad soo ururin karto, ansixin karto, ama soo heli karto goob walba oo ku dhexjirta xeyndaabka 3m x 3m ah adigoo adeegsanaya 3da-Eray. Tusaale ahaan: Barbal xafiiskiisa kuyaala Bristol waxa loo diiwaangelin karaa sidan ‘///shares.parks.alone’.

6.4.2. Luuqada

Qeexid: Luuqada loo isticmaalay si loo diiwaan geliyo nidaamka 3da-Eray.

Qaabka: ISO 639-2 ama ISO 639-3, Tusaale “en-gb”.

Fiiro gaar ah: Nidaamka 3da Eray waxaa laga heli karaa 43 luqadood oo kala duwan, ereyada cinwaanaduna ma aha kuwo si toos ah midba midka kale u turjumaya.

7. Sifooyinka Qalabka

Noocani wuxuu faahfaahinayaa sifooyinka laxidhiidha qalabka. Waxuu ku tusayaa halbeeg la isku waafaqsan yahay kaasoo lagu ogaanayo awooda wax soo saar ee qalabku leeyahay

Qaybta ugu muhiimsan ee soo baxeeysaa waa baaxada, iyo gaar ahaan waxa aan doonayno in aan xadidno- maxaaynu doonaynaa inaan ogaano? Tusaale ahaan, Ma mashiinada iyo qalabka dhijitaalka ah keliya baa? Ama ma ogaan karnaa dhamaan qalabka gacanta, kuwa loo isticmaalo tiknoolajiyada IT, soofti-weerada iyo iwm?

In la garowsado inuu qalabka CNC Router muhiim yahay ayaa kaa caawin karta inaad go’aansato halka aad alaabada kasoo sameysan karto, halka aysan kaa caawin kara qalabka shaqada ee gacanta arrinkan. Laakin kama dhigna inaan kasaarno marka qalabka ladiiwaan gelinayo. Tani waxay sababtay in loo baahdo nidaam fudud oo halbeeg unoqda kala saarista qalabka kala duwan.

Liiska suurtagalka ah ee sifooyinka qalabku waa mid aan xad lahayn laakiin, Open Know-Where ujeedadeedu waa in la nidaamiyaa inta ugu badan ee suurtogalka ah. Waxaan filaynaa in liiskani uu la koro wakhtiga ayna ku soo biiri karaan astaamo kala duwan oo loogu talagalay noocyada kala duwan ee qalabka/alaabta.

Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay qaab ururin sifooyin-hoosaadyo isku xidhan.

 7.1. Nooca Qalabka

Qeexid: Kala soocida qalabka

Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) ee bogga Wikipedia-yaha ee sharaxaya nooca qalabka

Fiiro gaar ah: Si aad u barato sida loo fuliyo hashan, fadlan eeg qeybta 3.5.

7.2. Habka wax soo saarista

Qeexid: Habka wax soosaaridu waa shayga uu mashiinku awooda uleeyahay inuu sameeyo

Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) bogga Wikipedia-yaha ee sharaxaya nooca qalabaka

Fiiro gaar ah: Si aad u barato sida loo fuliyo hashan, fadlan eeg qeybta 3.5.

7.3. Samayn

Qeexid: Sameynta qeyb kamid ah mashiinka

Qaabka: Nooca nooca qalabka la sameeynayo

Fiiro gaara: Si aad u bixiso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qalabka/ ama qeyb kamida, tusaale ahaan, waxaad ku naqshadayn kartaa adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah, ama waxaad u sameeyn kartaa nooc khaas ah adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah.

7.4. Nooca

Qeexid: Waa noocaa qeyb kamida qalabka

Qaabka: Sheeg magaca nooca.

Fiiro gaara: Si aad u bixiso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qalabka/ ama qeyb kamida, tusaale ahaan, waxaad ku naqshadayn kartaa adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah, ama waxaad u sameeyn kartaa nooc khaas ah adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah.

7.5. Lambarka taxana ah (Siiriyaalka ah)

Qeexid: Lambarka taxana ah ee qalabka.

Qaabka: Sheeg lambarka taxanaha ah ee qalabka.

7.6. Goobta

Qeexid: Goobta uu qalabku yaalo

Qaabka: Isticmaal nooca Goobta

7.7. (Xirfadaha ladoonayo)

Waxyaabaha la aqoonsaday in la qabto mustaqbalka.

7.8. Xaalada

Qeexid: Xaalada qalabka

Qaabka: Sheeg xaalada uu kusugan yahay qalabku

Fiiro gaar ah: Tani waxeey siinaysaa qofka isticmaalaya warbixin ku saabsan tayada qalabka/agabka, iyo awooda uu uleeyahay inuu qabto shaqadii loo sameeyay.

7.9. Fiirooyin gaar ah

Qeexid: Waa macluumaad dheeri ah oo kusaabsan qalabka

Qaabka: Qoraal.

7.10. Mulkiilaha

Qeexid: Waa qofka leh qalabka

Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka

Fiiro gaar ah: Si loo isticmaalo marka mulkiiluhu uusan ahayn warshadi wax soo saaraysay

7.11. Tirada

Qeexid: Tirada qayb cayiman oo qalab ah.

Qaabka: Isticmaal tiro

Fiiro gaar ah: Tani waxeey kusiinaysaa macluumaad kusaabsan baaxada iyo awooda wax soo saar ee warshada iyo xadiga alaabta la samayn karo hal mar.

7.12. Agabka dhexmaraya qalab wax soo saar

Qeexid: Agabka dhexmaraya nooca ka mid ah qalabka.

Qaabka: Qoraal

7.13. Korontada dhexmaraysa

Qeexid: Korontada la ogolyahay in ay dhexmarto qalabka

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: W

7.14. Agabka uu kushaqeeyo

Qeexid: Waxyaabaha loo isticmaali karo qalabka

Qaabka: Waxa uu adeegsada nidaaamka kala saarida ee Agabka

7.15. Jadwalka dayactirka

Qeexid: Markii ugu dambeysay ee la dayactiray qalabka

Qaabka: Qoraal

7.16. Heerarka isticmaalka

Qeexid: Intee jeer ee la isticmaalo qalabka

Qaabka: Qoraal

7.17. Adkeysiga qalabka

Qeexid: Heerka adkeysi ee qalabka

Qaabka: U eeg halkuu kaga jiro ISO 2768.

7.18. Nidaamka (software ka) shirkad ee lagu isticmaalo

Qeexid: Nidaamka (software ka) shirkada ee uu isticmaalo qalabka

Qaabka: Qoraal

7.19. Koronto/ Dab joogto ah

Qeexid: Hadii uu leeyahay qalabka Dab/ Koronto joogto ah

Qaabka: HAA/MAYA

7.20. Sifooyin-hoosaadyo qeexan

Kuwani waa sifooyin oo ugaara noocyo cayiman oo qalabka kamida. Qaybtan liiska sifooyinka qalabka ee la sheegay waa mid la balaadhin karo, mana aha mid dhameystiran. Astaama-hoosaadka qalabka ee la bixiyay waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qalabka loo isticmaalo xarumaha wax soo saarka. Liistada hoose ee sifooyin-hoosaadyada la qeexay ayaa loo dhigay hab alifbeeto ah si ay u sahlanaato isticmaalka iyo tixraaca.

7.20.1. Dhidibadda

Qeexid: Tirada dhidibadda ee qalabka

Qaabka: Tiro

7.20.2. Baaxada

Qeexid: Baaxadda uu kufadhiyo qalabku

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.3. Dhererka la qaloocin karo

Qeexid: Dhererka la qaloocin karo

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.4. Muga dhiska

Qeexid: Adimayaasha dhiska

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm^3.

7.20.5. Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan

Qeexid: Dhexroorka xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.

7.20.6. Cabirka isku xajiyaha

Qeexid: Xajmiga isku xejiyaha

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.

7.20.7. Kombiyuutar ku hagid

Qeexid: Qalabku mayahay mid lagu hago Kumbiyuutar

Qaabk: HAA/ MAYA

7.20.8. Si gudban u socode

Qeexid: Masafaada uu gaadhi karo si gudban u socodaha.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unuga:mm.

7.20.9. Daloolka/ Halka iftiinku kasoo galayo

Qeexid: Daloolka/ Halka iftiinka qoraxdu kasoo galayso

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.

7.20.10. Masaafada udhaxeeysa labada xudumood

Qeexid: Masaafada u dhexeeysa xudunta kaashada hore iyo xudunta kaashada dambe

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug :mm.

7.20.11. Iskaalmiitida/ Qiiq saaraha

Qeexid: Cabirka iskaalmiitada/ qiiq saaraha

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.

7.20.12. Nidaamka soosaarida

Qeexid: Majiraa nidaamka soosaarid?

Qaabka: HAA/ MAYA

7.20.13. Qalabka laga sameeyo wiishka

Qeexid: Agabka laga sameeyay wiishashka loo isticmaalo waxyaalah culus

Qaabka: Isticmaal nooca Agabka

7.20.14. La jaanqaadida qalabka heerkulka xakameeya

Qeexid: Malagu xidhi karaa qalab heerkulka xakameeya

Qaabka: HAA/ MAYA

7.20.15. Awooda laysarka

Qeexid: Awoowada Dabka/ korontoda la isticmaalay

Qaabka: Isticmaal tiro. UNUG: W.

7.20.16. Xajmiga Lakabka

Qeexid: Dhumucda lakabka.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.17. Helitaanka dhexroorka giraanta

Qeexid: Dhexroorka giraanta ladoonayo

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.18. Agabka la isticmaalayo

Qeexid: Nooca agabka qalabku ku shaqeeyo

Qaabka: Bir/Aan-Bir ahayn

7.20.19. Awooda iskudhajineed ee ugu sareeysa

Qeexid: Awooda isku dhajinta ee qalabka ee ugu sareeysa.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: t.

7.20.20. Mugga durritaanka ugu badan

Qeexid: Mugga duritaanka ee ugu badan

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm^3.

7.20.21. Xawaaraha wareega ee ugu badan

Qeexid: Xawaaraha ugu badan ee wareegista

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: rpm.

7.20.22. Masaafada ugu dheer ee birta isku xidhaya biraha

Qeexid: Masaafada ugu dheer ee biraha isku xidhaya biraha.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.23. Cabirka qasabada

Qeexid: Cabirka qasabada

Qaabka: Isticmaal tiro. Halbeegeedu yahay: mm.

7.20.24. Dhexroorka qasabada

Qeexid: Dhexroorka qasabada

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.25. Agabka ugu wanaagsan

Qeexid: Agabka ugu wanaagsan ee lagu isticmaali karo qalabka

Qaabka: Isticmaal nooca Agabka.

7.20.26. Qaabka iskuxidhka

Qeexid: Sida ey qaybuhu isugu xidhanyihiin

Qaabka: Qoraal

7.20.27. Awooda cadaadiska

Qeexid: Awooda cadaadiska

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: kN.

7.20.28. Awooda Feedhka

Qeexid: Awooda Feedhka

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: kN.

7.20.29. Wareega wadayaasha

Qeexid: Wareega mashiinka

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: Deg.

7.20.30. Saldhigyada

Qeexid: Tirada saldhigyada

Qaabka: Isticmaal tiro.

7.20.31. Cabirka Saldhigyada

Qeexid: Cabirka saldhigyada

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.32. Socodka gacanka madaxa dambe

Qeexid: Masaafada socodka gacanka madaxa dambe

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.33. Nooca qalabaynta

Qeexid: Nooca qalabaynta

Qaabka: Qoraal

Tusaale: Sameeynta, Daloolinta.

7.20.34. Awooda isrogida/ Maroojinta

Qeexid: Awood isrogitaan/ maroojiska ee qalabka

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.35. Dusha saree ee goobta shaqada

Qeexid: Dusha sare ee qalabka

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.36. Socdaalka X

Qeexid: Masaafada socdaalka X.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.37. Socdaalka Y

Qeexid: Masaafada socdaalka Y.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.20.38. Socdaalka Z

Qeexid: Masaafada socdaalka Z.

Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.

7.21. Sifo-hoosaadya Qalabka Nooc ahaan

Qaybtan soo socota waxa ku jira maabaynta sifooyin-hoosaadyada ilaa nooca ay yihiin.

Nooca

Sifooyinka / Awoodaha

 Qalabka CNC Router

Baaxadda

   Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan  

Cabirka birta isku xejisa biraha

Nidaamka Soosaarida

Wiishashka Culus

Qaabka Iskuxidhka

Qaybta xukunta ridqida/ burburinta

Dhidibada

Baaxadda

Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan

Cabirka birta isku xejisa biraha

Wiishashka Culus

Madaada loo isticmaalo

Qaybta Hagta Feedhka

Baaxadda

Awooda Feedhka

Saldhigyada

Cabirka Saldhigyada

Nooca Qalabaynta

Bareega Cadaadiyaha

Baaxadda

Dhererka oo qaloocsami karo

Qeybta lagu hago Kumbiyuutarada

Daloolka /  Halka iftiinka qorxdu kasoo galayo

Awooda Cadaadiska

Laserka wax lugu googooyo

Baaxada

Nidaamka wax soosaarka

Awooda Laysarka

Daabacaada 3D – FDM

Mugga Dhismaha

Xajmiga lakabyada

Cabirka qasabada (yaasha)

Agabka ugu Wanaagsan

Daabacaada 3D – SLA

Mugga Dhismaha

Xajmiga lakabyada

Qalabka loo isticmaalo mashiinka

Daabacaada 3D – SLS

Mugga Dhismaha

Xajmiga lakabyada

Qalabka loo isticmaalo mashiinka

Gooyaha Vinyl

Baaxadda

Gooyaha Plasma

Kumbiyuutar ku hagid

Korontada dhexmaraysa

Qalabka Laxamaynta

Qaac saaraha

Aqbalaada qalabka heerkulka lagu kontoroolo

Helitaank dhexroorka giraanta

Awooda iskudhejinta ee ugu sareeysa

Awooda duritaanka ee ugu sareeysa

Masaafada ugu dheer ee birta isku xidha biraha

Dhexroork qasabada

Qalabka shiidida ee Mill

Awooda wareega ee ugu sareeysa

Maroojinta/ Wareega

Qaybta sare ee goobta shaqada

Socdaalka X

Socdaalka Y

Socdaalka Z

Qalabka wareejiyaha ee Lathe

Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan

Masaafada si gudban u socdaha

Masaafada u dhaxeeysa labada saldhig

Awooda wareega ee ugu sareeysa

Socdaalka gacanka sanduuqa dambe

Awooda wareega / maroojiska

Qalabka wax lagu tolo ee dharka sima

[Waxaa socota shaqo ah in lagu diyaariyo koox-sifo-hoosaadka Agabka]

Mashiin tolitaanka dharka ee sawirka ku qora

[Waxaa socota shaqo ah in lagu diyaariyo koox-sifo-hoosaadka Agabka]

Harqaan/Dawaar caadi ah

[Waxaa socota shaqo ah in lagu diyaariyo koox-sifo-hoosaadka Agabka]

8. SIfooyinka Agabka

Noocani wuxuu faah faahinayaa sifooyinka la xidhiidha agab. Guud ahaan, agabku waa ka baxsan yihiin baaxadda Open Know-Where, si kastaba ha ahaatee in lahelo hab fudud oo lala jaan-qaadi kara qalabka waa muhiim. Tusaale ahaan, si loo isticmaalo warshada wax soo saarka, isticmaaluhu wuxuu u baahan yahay inuu ka warqabo agabka la heli karo ama inta badan loo isticmaalo meel gaar ah, ama si uu u isticmaalo agab, isticmaaluhu wuxuu u baahan doonaa inuu ogaado waxa halka mashiinku uu kaga jiro halbeega. Agabka ayaa go’aamiya hadii shay lagu dhex sameeyn karo warshada gaar ah.

Sidaa awgeed, hab fudud oo la wada ogyahay oo ku tusaya agabka ayaad ka heli kartaa Open Know-Where, laakiin weli shaqo ayaa laga yaabaa in ay u baahantahay mustaqbalka si si buuxda loo habeeyo kala-soocidda agabka, waxaana hadda baadhaya Isbahaysiga Wax-soo-saarka ee internetka (Internet of Production of Alliance).

Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay qaab ururin sifooyin-hoosaadyo isku xidhan.

8.1. Warshada / wax soosaaraha

Qeexid: Soosaaraha iyo nooca agabka

Qaabka: Qoraal

8.2. Maarkadda/Nooca

Qeexid: Maarkadda nooca agabka

Qaabka: Qoraal

8.3. Goobta Soosaraha koowaad (qofka aad alaabta kasoo qaadato)

Qeexid: Goobta uu kuyaalo qofka aad kahesho maadada aad wax kusameeyso

Qaabka: Isticmaal nooca Goobta

Fiiro gaar ah: Tani looma adeegsanyo in lagu ogaado goobta warshada wax soo saarta, laakiin waxa lagu ogaanayaa halka warshadu ka hesho agabka.

8.4. Nooca Agabka

Qeexid: Nooca Agabka

Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) bogga Wikiepedia-yaha ee laxidhiidha nooca agabka

Fiiro gaar ah: Si aad u hesho tilmaamo ku haga, faldan eeg section 3.5.

8.5. Noocyada Agabka Laqeexay

Si loo taageero wada shaqaynta guud ahaan kooxaha xog-ururinta, qaybtani waxa ay dejinaysaa liis la wada ogyahay oo ah noocyada agabka loo isticmaalo wax soo saarka, liistada looguma talagalin in ay noqoto mid dhammays tiran, balse waa mid balaadhan oo ku filan oo laga helayo noocyada ugu badan ee agabka.

Markii la ururinayay liiska, heerka gaar ahaaneed ayaa loo arkayay in uu yahay mid muhiim ah. Haddii liisku yahay mid aad u heer sareeya, kama caawin doonto iibsadaha ama soo saaraha inay go'aamiyaan haddii xaruntu ku habboon tahay baahiyahooda gaarka ah. Haddii ay aad u faahfaahsan tahay, raadin ayaa meesha ka saari karta agabka si fudud loogu dabaqi karo agabka la midka ah. Jaantuskan hoose waxa uu bixiynayaa tusaalayaal heerka gaarka ah ee noocyada kala duwan ee agabka, kaas oo loo isticmaalay in lagu hago go'aan qaadashada soo saarista liiskan.

Cinwaanadu waxay ku jiraan liiska si ay u caawiyaan isticmaalayaasha halbeega, laakiin ma aha qayb ka mid ah nidaamka kala soocida mana aha in lagu isticmaalo kooxaha xog-ururinta ee Open Know-where.

8.5.1. Balaastika/ Bacaha/ Caagadaha

HDPE

PLA

ABS

PET

Acetate

PVC

Neyloon

Polycarbonate

Polypropylene

Acrylic

8.5.2. Biraha

Birta dabiiciga ee madow

Birta nooceda kaarboonka lagu daray ee cad

Birta nooceeda aadka u adag

Birta jilicsan

Biraha aan daxalaysan

Alumiiniyam

Maar

Zinc

8.5.3. Looxa/ Alwaaxa

Looxa jilisan

Looxa adag

MDF

8.5.4. Goomaha

Goome dabiici ah

TPU 

Silikoon

8.5.5. Dhoobada la adkeeyay

Geopolymers

Dherriga laga sameeyay dhoobo la adkeeyay

Dhoobo

8.5.6. Elektaroonik

PCBs

Qaybah Elektaroonika

8.5.7. Kale

Maryaha

Harag/Maqaar

Shubka

Dhagaxaanta

Ciid

Maadooyin iskudhafan

Cunno

Bacramiye

Xabag

Dhalo

Kaarbon Faybar

Kartoon

Warqado 

9. Sifooyinka Xogta Diiwaanka

Noocani waxa uu ku daraa sifooyinka la xidhiidha xogta diiwaanka. “Diiwaanka xogta” waxa aanu ula jeednaa macluumaadka ku saabsan cidda samaysay xogta iyo sida ay u cusub tahay. Deegaannada aadka isku bedbedala, xog-ururinta waxay si dhakhso ah u noqon kartaa kuwo qadiimi ah, sidaas awgeed waxa ay noqon kartaa mid waxtar leh in la wadaago macluumaadka ku saabsan asal ahaanta xogta.

9.1. Xiliga lasoo ururiyay

Qeexid: Xiliga la diiwaangeliyay

Qaabka: Isticmaal ISO 8601, i.e Tusaale YYYY-MM-DD

9.2. Waxaa sameeyay

Qeexid: Wakiilka sameeysay xogta

Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka

9.3. Goorti ugu dambeysee la cusboonaysiiyay

Qeexid: Taariikhda xiliga xogta la cusboonaysiiyay

Qaabka: Isticmaal ISO 8601, i.e Tusaale YYYY-MM-DD.

9.4. Cida Cusbooneysiisay

Qeexid: Wakiilka cubooneeysiisay diiwaanka

Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka.

9.5. Taariikhda la ansixiyay

Qeexid: Taariikhda xogta la ansixiyay.

Qaabka: Habka lagu taliyey in la Isticmaalo waa ISO 8601, i.e Tusaale YYYY-MM-DD.

9.6. Cida ansixisay

Qeexid: Cid ansixisay diiwaanka

Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka.

9.7. Qaabka Xogta loosoo Ururiyay

Qeexid: Qaabka xogta loosoo ururiyay

Qaabka: Qoraal.

Tusaale: Wareeysi, Sahann. Booqasho goob, iyo iwm.

10. Maamulka Hagahan

The Open Know-Where specification is governed by the Open Know-Where working group.

Hagaha Open Know-Where waxaa maamula kooxda shaqo ee Open Know-Where.

Wixii bedalaada ee lagu sameeynayo hagahan waxaa loo diraa soo jeedimaha  StandardsRepo

Isbedeladan waxaa loogu codeeyaa kulan ay yeelanayso kooxda shaqada ee Open Know-Where.

11. Mahadnaq

Mashruucan waxaa hogaaminayay Anna Sera Lowe oo ku takhasustay isbedelka warshadaha waxaana maalgeliyay Shuttleworth Foundation.

Comments
0
comment
No comments here
Why not start the discussion?