Manufacturing Facility | Xarumaha Wax soo saarka |
---|---|
Name | Magaca |
Location | Goobta |
Owner | Mulkiilaha |
Contact | Xidhiidhka |
Affiliation | Xidhiidh la leh |
Facility Status | Xaalada Xarunta |
Opening Hours | Saacadaha Furitaanka |
Description | Sharaxaad |
Date Founded | Taariikhda La Aasaasay |
Access type | Nooca ogolaashaha |
Wheelchair Accessibility | Isticmaalka Kursiga Curyaanka |
Equipment | Qalabka |
Human Capacity | Awoodda Aadanaha |
Headcount | Madax taabasho |
Manufacturing Processes | Hababka wax soo saarka |
Typical Batch Size | Cabbirka caadiga ah dufcadda |
Size / Floor Size | Baaxadda / Cabbirka Dhulka |
Storage Capacity | Awoodda Kaydinta |
Typical Materials | Agabka caadiga ah |
Certifications | Shahaadooyinka |
Backup Generator | Matoor dab-dhaliye kayd ah |
Uninterrupted Power Supply | Koronto Joogto ah |
Road Access | Waddo loo maro |
Loading Dock | Goob alaabta lagu rogo/raro |
Maintenance Schedule | Jadwalka Dayactirka |
Typical Products | Alaabta caadiga ah |
Partner / Funder | Shuraakada/Maalgeliyaha |
Customer Reviews | Faallada macmiisha |
Innovation Space sub-properties | Sifo-hoosaadka goobaha hal-abuurka |
Innovation Space | Goobta Hal-abuurka |
Staff | Shaqaalaha |
Learning Resources | Agabka Waxbarasho |
Services | Adeegyada |
Footfall | Tirada dadka soo galaya |
Residencies | Goobaha deganaashaha |
Location | Goobta |
---|---|
Address | Cinwaanka |
GPS Coordinates | Xadidaada Goobaha GPS |
Directions | Tilmaamaha |
What 3 Words sub-properties | Sifooyin-hoosaadka Nidaamka 3-Eray |
Agent Properties | Sifooyinka Wakiilka |
---|---|
Name | Magaca |
Location | Goob |
Contact Person | Qofka lagala xidhiidhayo |
Bio | Taariikhda |
Contact | Xogta la xidhiidhka |
Website | Mareegta Internetka |
Social Media | Baraha Bulshada |
Languages | Luuqadaha |
Mailing List | Liiska Boostada |
Images / Media | Sawirrada / Warbaahinta |
Equipment | Qalabka |
---|---|
Manufacturing Process | Habka wax soo saarista |
Make | Samayn |
Model | Nooca |
Serial Number | Lambarka taxana ah (Siiriyaalka ah) |
Location | Goobta |
(Skills Required) | (Xirfadaha ladoonayo) |
Condition | Xaalada |
Notes | Fiirooyin gaar ah |
Owner | Mulkiilaha |
Quantity | Tirada |
Throughput | Agabka dhexmaraya qalab wax soo saar |
Power Rating | Korontada dhexmaraysa |
Materials Worked | Agabka uu kushaqeeyo |
Maintence Schedule | Jadwalka dayactirka |
Usage Levels | Heerarka isticmaalka |
Tolerance Class | Adkeysiga qalabka |
Current Firmware | Nidaamka (software ka) shirkad ee lagu isticmaalo |
Uninterrupted Power Supply | Koronto/ Dab joogto ah |
Equipment properties | Sifooyinka Qalabka |
---|---|
Axes | Dhidibadda |
Bed Size | Baaxada |
Bending Length | Dhererka la qaloocin karo |
Build Volume | Muga dhiska |
Chuck Jaw Diameter | Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan |
Collet Size | Cabirka isku xajiyaha |
Computer Controlled | Kumbiyuutar ku hagid |
Cross Slide Travel | Masaafada si gudban u socdaha |
Daylight / Opening | Daloolka/ Halka iftiinku kasoo galayo |
Distance Between Centres | Masaafada udhaxeeysa labada xudumood |
Ejector Threads | Iskaalmiitida/ Qiiq saaraha |
Extraction System | Nidaamka soosaarida |
Gantry Material | Qalabka laga sameeyo wiishka |
Hot Runner Compatible | La jaanqaadida qalabka heerkulka xakameeya |
Laser Power | Awooda laysarka |
Layer Resolution | Xajmiga Lakabka |
Locating Ring Diameter | Helitaanka dhexroorka giraanta |
Material Worked | Agabka la isticmaalayo |
Maximum Clamping Force | Awooda iskudhajineed ee ugu sareeysa |
Maximum Shot Volume | Mugga durritaanka ugu badan |
Maximum Spindle Speed | Xawaaraha wareega ee ugu badan |
Maximum Tie Bar Distance | Masaafada ugu dheer ee birta isku xidhaya biraha |
Nozzle Size | Cabirka qasabada |
Nozzle Radius | Dhexroorka qasabada |
Optimal Material | Agabka ugu wanaagsan |
Pieceholding Type | Qaabka iskuxidhka |
Press Force | Awooda cadaadiska |
Punch Force | Awooda Feedhka |
Spindle Rotation | Wareega wadayaasha |
Stations | Saldhigyada |
Station size | Cabirka Saldhigyada |
Tailstock Sleeve Travel | Socodka gacanka madaxa dambe |
Tooling Type | Nooca qalabaynta |
Turning Capacity / Swing | Awooda isrogida/ Maroojinta |
Working Surface | Dusha saree ee goobta shaqada |
X Travel | Socdaalka X |
Y Travel | Socdaalka Y |
Z Travel | Socdaalka Z |
Halbeegan waxaa bilaabay Isbahaysiga Wax soo saarka Internetka (Internet of Production Alliance) waxaana horumariyey koox shaqaale ah oo leh xubin furan. Waxaa loogu talagalay in lagu abuuro hab joogto ah oo diiwaan gelinaya laguna wadaagayo macluumaadka ku saabsan awoodaha wax soo saar si ay ugu fududaato dadka in ay aqoonsadaan halka qalabka lagu samayn karo gudaha dalka ama meel kasta oo adduunka ah.
Hagahan waxaa loo qaabeeyey in uu isticmaali karo qof kasta oo ururiya ama wadaaga xogta ku saabsan awoodaha wax soo saarka, oo ay ka mid yihiin dawladaha, ururada aan dawliga ahayn (NGO-yada), hay'adaha gargaarka, Khariidayayaasha bulshooyinka, sameeyayaasha iyo goobaha wax soo saar. Halbeeggu wuxuu qeexayaa xogta buuxinaysa baahiyaha kiisas kala duwan oo la isticmaalo iyo ujeeddooyin.
Waxaynu ugu yeedhnaa tan "Open Know-where".
Isticmaalida heerka "Open Know-where" waxa uu:
Kor u qaadayaa ogaanshaha xarumaha wax soo saarka iyo qalabka yaala gudaha warshadaha wax soo saara iyo bulshooyinka wax sameeya.
Awood u siinayaa qofka raba in uu galo xarun wax soo saarta si uu u ogaado cidda ay tahay in ay la xidhiidhaan.
Kor u qaadayaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa isticmaalayaasha iyo shabakadaha isku xidhan.
Ka dhigayaa xogta ku saabsan goobta awoodaha wax soo saar mid si fudud loo heli karo marka loo baahdo.
Sahlayaa in si wanaagsan loo habeeyo loona maareeyo xogta, si loo ururiyo, loo habeeyo, loo waydiiyo loona sifeeyo.
Awood u siinayaa in agabka loo isticmaalo habeynta ay si fudud uga soo saaraan qiimaha ugu sareeya xogta.
Guud ahaan, mar walba uu halbeegu noqdo mid caalamiya, waa mar walba uu noqdo mid faa'iido badan leh. Mabda'a ayaa ah in uu yahay halbeeg furan oo cid walba ay isticmaali karto, haddii xogta loo isticmaalo in lagu qeexo loo baahiyo si guud iyo in kaleba.
Halbeegu waxa uu daboolayaa shan fikradood (noocyo) kuwaas oo hindisayaasha khariidadaynta ay sida caadiga ah qeexaan. Fikrad kasta, waxaanu isku daynay in aan u habayno qalabka ilaa heer qayb hoose oo faahfaahsan oo ku haboon, taas oo ka caawinaysa qof inuu ogaado halka wax lagu samayn karo.
Shanta nooc waa:
Xarunta Wax soo saarka
Wakiilka (Dadka iyo Ururka)
Goobta
Qalabka
Agabka
Dhinacyo dhawr ah oo ka mid ah noocyada ayaa loo qaabayn karaa iyada oo loo marayo kala-saarid iyo qaamuusyo. Isticmaalka habkan macnaheedu waxa weeye hindisayaasha iyo xarumaha wax soo saarka ayaa si fudud u wadaagi karaan, u barbar dhigi karaan oo ayna iskugu geyn karaan xogta. Tani waa muhiim, maadaama hadda aysan jirin qaab tan lagu sameeyo iyada oo aanan la nuqulin magacyada goobta iyo xogta. Awoodda ah in si fudud loo wadaago xogta waxay dhiirigelinaysaa dhismaha xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya isticmaalayaasha iyo shabakadaha. Tani waxay horseedi doontaa in la hagaajiyo dukumentiyeynta, isku xidhka, iyo helitaanka khariidada hindisayaasha, xarumaha wax soo saarka iyo qalabka yaala gudaha xarumaha wax soo saarka iyo bulshooyinka wax sameeya.
Ujeeddadu waxa ay tahay in xogta lagu soo saaro iyada oo la isticmaalayo "Open Know-where" ay noqoto mid waxtar leh oo xog badan wadata, halkii ay ka ahaan lahayd mid isku hallayn leh. Waxaan u qaadaneynaa in soo iibsi kasta oo ka dhashay xogta la faafiyey iyada oo la adeegsanayo halbeegan ay wali ku lug yeelan doonto isdhexgalka tooska ah ama dhex dhexaadinta u dhexeeysa isticmaalaha/iibsadaha iyo xarunta. Nuqulada hagahan ee mustaqbalka soo bixi doona waxa ay u jahaysan doonaan habab aad u adag oo lagu qeexayo macluumaadka si loo suurtageliyo nidaamyada wax iibsiga ee baahsan.
Mashruucan waxa uu daba socdaa guushii laga gaadhay halbeega diiwaangelinta "Open Know-How", kaas oo la sii daayay Sebtembar 2019.
Hagahani waxa uu qeexayaa halbeeg bixinaya hab lagu ogaanayo la iskuna waydaarsanayo goobta awoodaha wax soo saar iyo halka laga helayo meel wax lagu sameeyo. Tani waxay ka tarjumaysaa yoolka uu aasaasay Isbahaysiga Wax soo saarka Internetka (Internet of Production Alliance) oo ujeeddadiisu ay tahay horumarinta tignoolajiyada iyo kaabayaal awoodda siinaya si ay u taageeraan tallaabo caalami ah oo ku aadan wax soo saarka baahsan iyo kuwa gudaha dalka.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Isbahaysiga Wax soo saarka Internetka (Internet of Production Alliance) waxaa laga heli karaa halkan: https://global.us17.list-manage.com/subscribe?u=9ef0e368cc373faed18dbfc77&id=1e6d61b540
Hagaha "Open Know-Where" ayaa u qeexaya xogta si:
Loo Diiwaangeliyo goobta awoodaha wax soo saarka ee ka jira adduunka oo dhan.
Loo wadaago macluumaadka ku saabsan xarumaha wax soo saar iyo awoodaha wax soo saar.
Loo wanaajiyo isku xidhka ka dhex jira warshadaha wax soo saara iyo bulshooyinka wax sameeya.
Hagaha Open Know-Where waxa uu bixinayaa heerka faahfaahinta looga baahan yahay diiwaangelinta degdega ah iyo mid fudud ee awoodaha wax soo saarka iyo xarumaha wax soo saara.
Inkasta oo loo qaabeeyay in cid walba isticmaali karta, dadka loogu talagalay waa:
Khariidadayaasha
Bulshooyinka wax sameeya
Dawladaha
Ururrada aan dawliga ahayn
Hay'adaha gargaarka
Madalaha ay ku taxan yihiin awoodaha wax soo saar ee maxalliga ah
Halbeegu ma qeexayo qaabka xogta ay noqonayso ama hab maamuuska iswaydaarsiga, taa beddelkeeda waxa uu hiigsanayaa in uu taageero isticmaalka baahsan ee kiisaska laga bilaabo kooxaha xogaha ee ku salaysan xaashiyaha ilaa iyo madalaha ku salaysan shabakadaha.
Hagahani waxa loo qaybiyey siddeed qaybood oo waaweyn:
Horudhac - Waxa uu bixinayaa dulmar guud oo ku saabsan asalka, baaxadda iyo ujeedada halbeegan.
Jaantuska Qaabaynta Xogta – waxa uu bixinayaa aragtida guud ee qaabaynta xogta "Open Know-Where"
Isticmaalka Qaabaynta Xogta – waxa ay ku siinaysaa hagis ku saabsan sida loo isticmaalo qaabka xogta, oo leh jawaabaha su'aalahayaga inta badan la is weydiiyo.
Xarunta Wax soo saarka - waxa ay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha xarunta wax soo saarka. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.
Wakiilka - wuxuu qeexayaa sifooyinka la xidhiidha dadka iyo ururrada. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.
Goobta - waxay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha meelaha. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.
Qalabka - waxay qeexayaa sifooyinka la xidhiidha qalabka. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.
Agabka - waxay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha agabka. Noocyada iyo qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.
Diiwaangelinta xogta - waxay qeexaysaa sifooyinka la xidhiidha diiwangelinta xogta. Qaababka lagu taliyay ayaa sidoo kale loo soo bandhigay si joogta ah.
Qorista farsamo ee nuqulka 1.0 waxaa fuliyey Barbal Limited.
Halbeega waxaa lagu sameeyay iyada oo la kaashanayo hagida kooxda shaqada ee Open Know-Where ka dib waraysiyo wax ku ool leh oo taxane ah oo lala yeeshay xubnaha NGO-yada, hay'adaha gargaarka, khariidadayaasha bulshada, sameeyayaasha, iyo madallada, iyo falanqaynta xog-ururinta ee ay nala soo wadaageen hindisayaasha khariidadaynta iyo ururada. Laga bilaabo cilmi-baadhistan bilawga ah, qaabayn xog oo fikir ah ayaa la sameeyay waxaana loo qaybiyay daneeyayaasha si ay uga faalloodaan. Dukumeentigani waa qaabaynta qaabka xogtaas waxaana ku jira sharraxaadaha dhinac kasta iyo hagitaan ku saabsan sida ay hindisayaasha khariidadaynta ay u hirgelin karaan habka habaysan ee ay sharaxayso.
Kuwa soo socda ayaa si toos ah uga qaybqaatay horumarinta hagahan.
Magaca | Ururka |
---|---|
Andrés Barreiro | Wikifactory |
Charles Barrete | Field Ready |
Pierre-Alexis Ciavaldini | Makernet |
Liz Corbin | Metabolic |
Guillaume Coulombe | Fab Labs Québec / Procédurable |
Marc-Olivier Duchame | Fab Labs Nation |
Andrew Lamb | Field Ready / Internet of Production Alliance |
Anna Sera Lowe | Manufacturing Change / Internet of Production Alliance |
Bryn John | Field Ready |
Ben Oldfrey | UCL |
Nathan Parker | MakerNet.work |
James Ochuka | Juakali Smart |
Alessandra Schmidt | Make Works |
Hannah Stewart | RCA / Dark Matter Labs |
Aziz Wadi | Field Ready |
Anna Waldman-Brown | MIT |
Dad ka badan inta halkan ku qoran ayaa lala tashaday, waxaanan wali soo dhawaynaynaa talo bixin kasta oo ka timaada qof kasta oo raba in uu ku lug yeesho "Open Know-Where".
Jaantuskani waxa uu muujinayaa noocyada, sifooyinka iyo xidhiidhka lagu soo bandhigay qaybaha waa weyn ee soo socda.
In kasta oo qaabayntu ay matalayso qorshaha xidhiidheed ee ka dhexeeya fikradaha, hadana lama filayo in dhammaan hindiseyaasha ay wada isticmaali doonaan qaabaynta oo dhan. Nashqada waxa loo qaabeeyey si hindisayaasha shaqsiga ahi ay diiradda u saaraan oo keliya dhinacyo gaar ah ka dibna xogta ayaa la isku geyn karaa inta u dhaxaysa xog ururinta si loo abuuro aragti qani ah, lehna awood badan.
Tusaale ahaan, hindise lagu sameynayo kayd xog-ururin oo furan oo ah awoodaha qalabka oo leh cida sameysay iyo moodeelka ayaa lagu biirin karaa khariidada hindise sameeyaal ka mid ah gobol kaas oo liis gareeya sameeyaha iyo moodeelka qalab la heli karo si qof looga caawiyo in uu garan karo halka hababka wax soo saarka ee gaarka ah ee ay baahan yihiin laga heli karaa.
Qof kastaa waa uu hirgelin karaa qaabaynta xogta. Waxaa loo qaabeeyey in lagu dabaqo kiisas kala duwan oo la isticmaalo waxa ayna bixinaysaa heerka faahfaahineed ee loo baahan yahay si loo sameeyo khariidad degdeg ah ama mid fudud iyo diiwaangelinta awoodaha wax soo saar iyo xarumaha wax soo saarka. Waxaa isticmaali kara hay'adaha rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, iyo qof kasta oo khariidadaynaya awoodaha wax soo saar iyo xarumaha wax soo saarka.
Maya, halbeegan waxba kama beddelayo qaababka loo heli karo macluumaadkaaga.
Qasab ma'aha. Ujeedada aasaasiga ah ee "Open Know-Where" waa in la fududeeyo wadaaga macluumaadka u dhexeeya hindisayaasha khariidadaynta iyo hay'adaha kale ee isticmaali kara xogta. Ma fileyno in hindiseyaal xo goo badan ay dooran doonaan inay dhammaan macluumaadka si furan ugu daabacaan internetka oo ayna kula taliyaan hindisayaasha khariidadeynta in ay tixgeliyaan sirta iyo amniga xarumaha, ururada, iyo shakhsiyaadka iyo oggolaanshaha (Maldahan ama si cad loo sheegay) ee ay u haystaan isticmaalka macluumaadka ay soo ururiyeen ama ay heleen. Xaaladaha qaarkood, waxay noqon kartaa caqli gal in dib loo tafatiro macluumaadka si ay ugu habboonaato in lagu daabaco onlaynka, tusaale ahaan. sheeg magaalada oo ha sheegin ciwaanka buuxa, ama soo bandhig bogg laga soo gelo si loo helo macluumaadka lagala xidhiidhi karo.
Heshiisyada magac bixintu waxay ogolaadaan in macluumaad waxtar leh lagala soo dhex baxo joogtaynta, waxay ka hortagayaan jahawareer ka dhex dhaca kuwa kale ee ururinaya xog isku mid ah, waxayna u sahlaysaa kuwa kale inay fasiraan xogtaada.
Marka la isticmaalayo heshiisyada magac-bixineed sida Wikipedia, kala-soociddu waxay si fudud u siinaysaa URL-ka Wikipedia ah ee khuseeya waxayna tixraacaysaa maqaalka Wikipedia ah ee u dhigma fikradda laga hadlay. Tusaale ahaan, iyada oo la marayo habkan kala soocida, waxaad isticmaali kartaa maqaalka Wikipedia ah ee u dhigma habka wax soo saar, si aad u qeexdo hanaanka awooda wax soo saar ee xarun. Isla sidaas oo kale ayaa lagu dabaqi karaa qalabka iyo agabka. Habkan kala soocidda ayaa ka dhigaya habka wax soo saar, qalabka iyo agabka mid si fudud loo dhex mushaaxo, waxayna bixinaysaa joogtayn dhammaan noocyada.
Tusaale ahaan, habka isku xidhka birta ee Brazing:
Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Brazing
Si loo fududeeyo joogteynta, Open Know-where waxay ku talinaysaa in la isticmaalo nidaamka kala soocida ee horey jiray ee qalabka, habka Wax soo saar iyo agabka. Tani waa Wikipedia.
Si aad u tixraacdo in xarun ay hayso qayb qalab ah, tusaale ahaan birta alxanka, waxaad si fudud u koobiyeyn kartaa oo aad u ku dhejin kartaa URL-ka Wikipedia ah ee birta alxanka goobta loogu talagalay.
Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Soldering_iron
Si loo kala saaro habka wax soo saar, tusaale ahaan alxanka, waxaad si fudud u koobiyeyn kartaa oo aad ku dhejin kartaa URL-ka Wikipedia ah ee khuseeya ee alxanka meesha loogu talagalay.
Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Soldering
Si loo tixraaco agab, tusaale alluumiiniyam, waxaad si fudud u koobiyeyn kartaa oo aad ku dhejin kartaa URL-ka Wikipedia ee khuseeya alluumiiniyamka goobta loogu talagalay.
Maqaalka Wikipedia ah: https://en.wikipedia.org/wiki/Aluminium
Nashqada waxa loo qaabeeyey in ay taageerto qaab kasta oo xog ah oo habaysan. Ma jirto talo bixin ku saabsan sida xogta loo kaydinayo ama loo wareejinayo.
Halkii kala soocid loo sameeyn lahaa qalabka, hababka wax soo saar iyo agabka, waxaan isticmaalnay Wikipedia tixraac ahaan.
Haguha ayaa sidoo kale tixraacaya ISO 8601, qaabka YYYY-MM-DD ee taariikhda, iyo ISO 639-2 ama ISO 639-3, tusaale ahaan “en-gb”, si loo diiwaangeliyo luuqadaha.
Open Know-Where waa uu ka faahfaahsan yahay nuqulka 1-aad ee Open Know-How, kaas oo gaadhaya oo kaliya ilaa inta calaamadaynta dukumentiyada loo isticmaalo wax samaynta. Waxaan rajaynaynaa in nuqulada dambe ee Open Know-How ay dabiqi doonaan isla habka uu isticmaalay 'Open Know-where' ee loo isticmaalo kala soocida qalabka, agabka iyo hababka si labada halbeeg ay si buuxda u wada shaqeyn karaan.
Qaybtani waxay qeexaysaa qaabka loo isticmaalay qeexida sifooyinka. Liiska sifooyinka waxaa lagu faahfaahiyey qaybaha afraad, shanaad, lixaad, todobaaad iyo siddeedaad. Mid kasta oo ka mid ah qaybahan waxaa lagu hagay summad loo qoondeeyay goob kasta.
Sifooyinka-hoose waxaa loo isticmaalaa in si loo kooxeeyo sifooyinka la xidhiidha fikrad gaar ah oo laga yaabo in lagu dabaqi karo xaalad gaar ah (tusaale, dhinacyada waxbarasheed ee goob hal abuur).
Sifo kasta, hagahan soo socda ayaa la siiyey halka loo isticmaali karo.
Summada | Magac uu akhrin karo aadanaha ayaa loo qoondeeyay ereyga. |
Magaca goobta | Magaca goobta ee caadiga ah ee uu akhrin karo kombuyuutarka. Badanaaba tani waa summada lagu tilmaamay xarfaha labada kalmadood ee isku dhagsan. |
Qeexid | Jumlad taas oo u taagan fikradda ereyga. |
Qaabka | Habka lagu taliyay in loo isticmaalo goobta. |
Fiiro gaar ah | Qodobbo dheeri ah oo ah in la xasuusto. |
Tusaale | Tusaale sida ereyga loo isticmaali karo. |
Ma jirto dhinac ka mid ah hagaha oo waajib ah. Si kastaba ha ahaatee, mar walba oo si adag loo raaco hagaha, waa mar walba oo ay waxtar u yeelan doonto xogta dadka kale marka lala wadaago.
Kooxda shaqada ee Open Know-Where waxa ay rajaynaysaa inay horumariyaan hagayaal fulin oo loo isticmaali karo xaalado isticmaal oo gaar ah taas oo ka dhigi karta dhinacyada qaar mid waajib ah xaaladaha qaarkood, tusaale; Barnaamijyada (Apps) bini'aadantinimada ayaa laga yaabaa inay qeexaan in qaabab gaar ah loo isticmaalo goobaha ama Luuqadda Isdhaafsiga ee Bani'aadamnimada (Humanitarian Exchange Language HXL) in loo isticmaalo goobta.
Taasi waa caadi. Waa in aad go'aan ka gaartaa haddii macluumaadka aad wadaagayso ay wax u dhimi doonto kalsoonida, sirta, ama ammaanka xarumaha ama shakhsiyaadka ay macluumaadka la xidhiidho, waana in aad isticmaasho habka ku salaysan khatarta marka aad go'aaminayso sida aad xogta u wadaagayso iyo cidda aad la wadaagayso.
Haa, halbeega waxaa loogu talagalay inuu la shaqeeyo qaab kasta oo xog habaysan. Naqshadu waa sidaas oo aanu fileyno inaad isticmaali doonto xaashiyaha kala duwan ee ku dhex jira buugga Excel-ka mid kasta oo ka mid ah shanta nooc, ka dibna aad isticmaali doonto furaha aasaasiga ah ama shaqooyinka kale ee xaashiyaha si aad isugu xirto dhexdooda.
Open Know-Where waa uu la jaanqaadi karaa qaab kasta oo la isticmaalo si xog taxane ah looga dhigo, tusaale ahaan, XML, JSON, iyo YAML. Waxaa laga yaabaa inay ku caawiso inaad la hadasho cidda aad xogta isweydaarsanaysaan si aad u ogaato qaabka ugu habboon.
Ma aanu samayn wax talo ah oo ku saabsan sida loogu xidhidhiyo xogta la xidhiidha ee kooxaha xog-ururinta, si kastaba ha ahaatee, nooc kastaa wuxuu leeyahay goobo (ama isku darka goobo) kuwaas oo loo isticmaali karo tixraacyo gaar ah.
Laga yaabaa. Qaabaynta xogtu uma baahna inaad soo ururiso xog cusub, maadaama aanay qasab ahayn in la isticmaalo dhammaan sifooyinka, laakiin waxa laga yaabaa inaad dib u habayn ku samayso xogtaada. Qadarka shaqadu inta ay la'eg tahay waxay ku xidhnaan doontaa cabbirka uu yahay kooxda xog-ururintaada.
Xor ayaad u tahay inaad kordhiso goobaha aad ku isticmaashid xog-ururintaada, waxa laga yaabaa oo kaliya in aanay dadka kale aqoonsan. Haddii aad u malaynayso in sifooyinkaaga ay kordhin faa'iido ah u yeelan doonto hagaha Open-Know Where lafteeda si ay dadka kale u isticmaalaan, la xidhiidh kooxda shaqada oo kugula tali ku kordhinta.
Qaybtani waxa ay ku daraysaa sifooyinka muhiimka ah ee la xidhiidha 'Xarunta Wax-soo-saarka'. Xarun waxaan ula jeednaa goobta shaqada ee loo isticmaalo wax soo saarka.
Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo goobo shaqo ah, ka bilaabanaya xarumaha warshadaha sida xarumaha wax soo saar ilaa iyo xarumaha wax soo saarka ee yar-yar sida tukaamada wax soo saara ilaa iyo xarumaha wax soo saara ee wadaagga ah, xataa kuwa farsamayaqaannada ah ee ku shaqeeya guriga. Ujeedada Open Know-Where waa in lagu sawiro laguna soo ururiyaa sifooyinka ay wadaagaan dhamaantood, iyo sidoo kale in la qeexo shay'ada muhiimka ah ee lagu dabaqi karo oo kaliya noocyada qaar ee ka mid ah xarumaha wax soo saarka. Tusaale ahaan, meelaha hal-abuurka ah waxaanu ku soo darnay sifooyin-hoose oo ay ka mid yihiin agabka waxbarasho, kuwaas oo aan khusayn dhammaan xarumaha wax soo saarka balse muhiim u ah kuwa ku dhex jira bulshooyinka wax soo saarka.
Halka sifooyinka si macquul ah loo ururiyey, sida 'Awoodda Aadanaha' iyo 'Sifooyinka Goobaha Hal-abuurka', waxa loo soo bandhigay sidii ururin sifooyin-hoosaadyo ah.
Qeexid: Magaca xarunta.
Qaabka: Sheeg magaca xarunta.
Qeexid: Goobta ay ku taalo xarunta.
Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Goobta.
Qeexid: Wakiilka leh ama maamula xarunta..
Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.
Qeexid: Wakiilka lagala xidhiidhayo wixii su'aalo ah ee ku saabsan wax samaynta.
Format: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.
Definition: Wakiilka (lada) ay xarunta wax soo saarku ay xidhiidhka la leedahay.
Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.
Fiiro gaar ah: Xidhiidh la yeelashada waxaa loo isticmaali karaa in lagu qeexo nooca xarunta, tusaale ahaan, ku xidhnaanta FabLabs.org waxay tusinaysaa in xaruntu ay tahay FabLab.
Qeexid: Xaalada Xarunta.
Qaabka: Isticmaal mid ka mid ah kuwan soo socda:
Shaqeynaysa
La qorsheeyay
Si ku meel gaadh ah u xidhan
Xidhan
Qeexid: Saacadaha ay xaruntu shaqeyso.
Qaabka: Qoraal.
Qeexid: Sharraaxada Xarunta.
Qaabka: Qoraal.
Qeexid: Taariikhda xarunta la aasaasay.
Qaabka: Habka lagu taliyay waa in la isticmaalo ISO 8601, tusaale, qaabka YYYY(Sanadka)-MM(Bisha)-DD(Maalinta).
Fiiro gaar ah: Waa la aqbali karaa in lagu daro sanadka oo kaliya (YYYY) ama sanadka iyo bisha (YYYY-MM).
Qeexid: Sidee baa qalabka wax soo saarka ah loo isticmaalaa.
Qaabka: Isticmaal mid ka mid ah kuwan soo socda:
Xaddidan (kaliya dadka qaarkood (tusaale xubnaha shaqaalaha) ayaa isticmaali kara qalabka)
Lagu xaddiday saacado ay dadweynaha isticmaali karaan (qalabka waxaa isticmaali kara dadweynuha saacado xaddidan)
Goob la wadaago (xaruntu waa goob shaqo oo la wadaago halkaas oo isticmaalku uu ku xidhan yahay shuruudaha u-qalmitaanka (tusaale, kiraysashada miis ama goobta shaqada))
Dadweyne (qof kastaa waa uu isticmaali karaa qalabka (tusaale, tababar ayaa laga yaabaa in looga baahdo, xadidaado kalena waa lagu dabaqi karaa))
Xubinimo (Isticmaalku waxay u baahan tahay xubinimo, taas oo ay heli karaan dadweynaha ama tiro dad oo cayiman)
Fiiro gaar ah: Loogu talagalay xarumaha, u isticmaal goobtan sidii mid ku salaysan shuruudo (tusaale ahaan haddii inta badan qalabka ay heli karaan xubnaha, laakiin qalabka qaarkood ayaa u baahan shaqaale si ay ugu shaqeeyaan, isticmaal Xubinnimada). Goobtan waxa kale oo loo isticmaali karaa sidii sifo u gaar ah qalab gooni ah halkaas oo xaruntu ay leedahay noocyo kala duwan oo qalab kala duwan ah.
Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarku ay tahay mid u fudud in lagu isticmaalo kursiga curyaanka.
Qaabka: Qoraal.
Qeexid: Qalabka diyaarka ku ah xarunta wax soo saarka si loo isticmaalo.
Qaabka: Tax qalabka la heli karo adiga oo isticmaalaya nooca Qalabka.
Qeexid: Nidaamyada wax soo saarka ee caadiga ah ee laga isticmaalo xarunta.
Fiiro gaar ah: Tilmaamaha sida tan loo sameeyo, fadlan eeg Qeybta 3.5.
Qeexid: Cabbirka caadiga ah ee halka dufcad ee wax soo saar.
Qaabka: Isticmaal mid ka mid ah kuwan soo socda:
0 – 50 unug
50 – 500 unug
500 – 5000 unug
5000 + unug
Qeexid: Baaxadda ama cabbirka dhulka ay ku fadhido xarunta wax soo saarka.
Qaabka: Tiro. Unug: Mitir Labajibbaaran (sqm).
Fiiro gaar ah: Tani waxay ka caawinaysaa isticmaale qiyaasta cabbirka xarunta wax soo saarka.
Qeexid: Awoodda kaydinta ee xarunta wax soo saarka.
Qaabka: Qoraal.
Fiiro gaar ah: Tani waxay ka caawinaysaa isticmaalaha qiyaasta awoodda kaydin ee xarunta wax soo saarku u leedahay soo saarista iyo kaydinta alaabta.
Qeexid: Agabka caadiga ee ay xaruntu isticmaasho.
Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Agabka.
Qeexid: Shahaadooyinka ay heshay xarunta.
Qaabka: Tax liiska shahaadooyinka.
Fiiro gaar ah: Aqoonta kuwani waxa ay aad muhiim ugu tahay wax soo saarka iyo soo iibsiga aan rasmiga ahayn. Tusaale ahaan, hay'adaha gargaarku waxay awood u yeelan doonaan inay arkaan xarumaha wax soo saarka ee leh shatiyada wax soo saar ee gaar ka ah, sida soo saarista dawooyinka.
Qeexid: haddii xarunta wax soo saarku ay leedahay dab-dhaliye kayd ah.
Qaabka: HAA / MAYA
Fiiro gaar ah: Aqoonta arrintani waxay si gaar ah faa'iido ugu leedahay meelaha ay ka jirto koronto la'aan joogto ah.
Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarku ay leedahay koronto aan kala go' lahayn.
Qaabka: HAA / MAYA
Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarka ay leedahay waddo loo maro.
Qaabka: HAA / MAYA
Qeexid: Haddii xarunta wax soo saarku leedahay meel alaabta lagu rogo/raro.
Qaabka: HAA / MAYA
Qeexid: Jadwalka dayactirka xarunta ee wax soo saarka.
Qaabka: Qoraal.
Qeexid: Alaabooyinka caadiga ah ee ay soo saarto xarunta.
Qaabka: Liis garee alaabta caadiga ah ee la soo saaro.
Qeexid: Wakiilka la shuraakooba ama maalgeliya xarunta.
Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Wakiilka.
Qeexid: Faallooyinka macaamiisha xarunta.
Qaabka: Qoraal.
Qaybtani waxay la xidhiidhaa Dhaqaalaha Wareega. Qeexida Dhaqaalaha Wareega ee la adeegsaday waxaad ka heli kartaa halkan.
Qeexid: Haddii xarun wax soo saar ay ku dabaqmayso mabaadi'da Dhaqaalaha Wareega.
Qaabka: HAA / MAYA
Qeexid: Qeexida sida loo dabaqay mabaadi'da dhaqaalaha wareega.
Qaabka: Qoraal.
Qeexid: Liis garee alaabooyinka sida lama filaan ka ah loo soo saaro iyada oo la doonayay in wax kale la sameeyo.
Qaabka: Waxa uu adeegsanayaa nooca Agabka.
Qeexid: Sifo-hoosaadka awoodda dadka ee xarunta.
Qeexid: Tirada dadka jooga xarunta ee FTE (U dhiga shaqaalaha waqtiga buuxa), iyadoo la adeegsanayo qeexitaanka halkan lagu bixiyay.
Qaabka: Tiro.
Fiiri gaar ah: Waxaa faa'iido u leh isticmaalaha / NGO / hay'ad gargaar in ay u go'aamiso baxaadda ay la'egtahay xarunta.
Fiiro gaar ah: Sababta loo aqoonsaday waa shaqooyinka mustaqbalka.
Qeexid: Sifo-hoosaadka goobaha hal-abuurka.
Qeexid: Tirada shaqaalaha ee taageeraya hal-abuurka iyo dhinacyada waxbarasho ee xarunta.
Qaabka: Tiro.
Fiiro gaar ah: Waxaa faa'iido leh in lagu caawiyo go'aaminta baaxadda xarunta.
Qeexid: Agabka waxbarasho ee laga helayo xarunta.
Qaabka: Liis garee agabka waxbarasho.
Fiiro gaar ah: Waxay faa'iido u leedahay isticmaaluhu inuu ka warqabo agab kasta oo waxbarasho - koorsooyin, xiisado waxbarasho iyo iwm. ee laga yaabo in xarunta wax soo saarka ay leedahay / ka baxa.
Qeexid: Adeegyada ay bixiso xarunta wax soo saarka.
Qaabka: Tax adeegyada la bixiyo.
Qeexid: Tirrada dadka soo galaya ee jooga xarunta wax soo saarka.
Qaabka: Isticmaal Tiro.
Fiiro gaar ha: Waxaa faa'iido leh in lagu caawiyo go'aaminta baaxadda xarunta.
Qeexid: Xarunta wax soo saarku ma leedahay goobo deganaansho.
Qaabka: HAA / MAYA
Noocani waxa uu ku darayaa sifooyinka la xidhiidha ‘Wakiilka’. Hindisayaasha khariidadaynta waxay muujiyaan xidhiidho kala duwan, oo u dhexeeya mulkiilayaasha, maamulayaasha, maalgeliyayaasha, meesha lagala xidhiidhayo, dadka, xubnaha, iyo wixii la mid ah. Si taas loo kala saaro, waxaanu isku mid ka dhignay sifooyinka dadka iyo ururada, ama ‘wakiilka’ oo ah erey dallad ah. Waxaan go'aansannay inaan dadka iyo ururrada ay kusii jiraan hal nooc, sababtoo ah inta badan waa ay is-bedbedeli karaan. Tusaale ahaan, mulkiiluhu waxa uu noqon karaa qof ama urur.
Sifooyinka qaarkood sida 'meesha lagala xidhiidhayo' iyo 'Baraha Bulshada', ayaa si dheeraad ah loo sii sameeyay si loogu daro sifooyinka hoos yimaad ee muhiimka ah. Tusaale ahaan, ku daridda sifo-hoosaadka 'Baraha Bulshada' ayaa lagu daray iyada oo dad badan ay tilmaameen in Fab Labs aysan lahayn degel URL ah oo u gaar ah, laakiin ay isticmaalaan Facebook si ay u suuq geeyaan xaruntooda, mashaariicdooda, iyo awoodooda.
Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay sidii ururrin oo sifooyin-hoosaadyo ah.
Qeexid: Magaca Wakiilka.
Fiiro gaar ah: Tanni waxay noqon kartaa magac qof ama urur.
Qeexid: Goob.
Qaabka: Waxa uu adeegsadaa nooca Goobta .
Qeexid: Wakiilka ayaa ah qofka ugu muhiimsan ee lagala xidhiidho xarunta wax soo saarka ama ururka.
Qaabka: Sheeg magaca Wakiilka.
Sharaxaad: Sharaxaada qof ama urur.
Qaabka: Qaabka.
Qeexid: Cinwaanka mareegta (Website) nternetka.
Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) khuseeya.
Qeexid: Luuqadaha ay isticmaalaan qof ama urur.
Qaabka: ISO 639-2 ama ISO 639-3, tusaale “en-gb”.
Fiiro gaar ah: inta badan xarumaha wax soo saarka ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay bixiyaan adeegyo la macaamila wax ka badan hal luqad.
Qeexid: Liiska boostada ee urur.
Qeexid: Sawirada / Warbaahinta qof, urur, ama la xidhiidha xarunta wax soo saarka.
Sharaxaad: Macluumaadka xidhiidhka oo qeexan.
Qeexid: Nambar taleefan line ah oo lagala xidhiidho xarunta, qofka, ama ururka.
Qaabka: Sheeg taleefan nambarka.
Qeexid: Nambarka taleefanka gacanta ah si loo xidhiidho xarunta, qofka ama ururka..
Qaabka: Sheeg taleefan nambarka.
Qeexid: Nambar fakis ah oo lagula xidhiidhi karo xarunta, qofka ama ururka.
Qaabka: Sheeg nambarka fakiska.
Qeexid: Cinwaan iimayl si loogala xidhiidho xarunta, qofka ama ururka.
Qaabka: Sheeg cinwaanka iimaylka.
Qeexid: Nambar WhatsApp oo lagala xidhiidhi karo xarunta, qofka ama ururka.
Qaabka: Sheeg nambarka talefoonka.
Fiiro gaar ah: Xaaladaha qaarkood, isticmaalayaashu waxay kala la xidhiidhaan soosaarayaasha iyaga oo isticmaalaya WhatsApp.
Sharaxaad: Macluumaadka baraha bulshada oo sharaxan.
Qeexid: Lingaxa (URL) bogga Facebook-ga.
Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) ee khuseeya.
Fiiro gaar ah: Facebook waa madal muhiim ah oo lagala xidhiidho Fablabs / xarumaha kale ee wax soo saarka. Tusaale ahaan, gudaha Filibiin, koox (Group) Facebook ah ayaa loo sameeyay dhammaan dadka Fablabs si ay ugu wada xidhiidhaan.
Qeexid: Lingaxa (URL) bogga Twitter-ka.
Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) ee khuseeya.
Fiiro gaar ah: Xarumaha wax soo saarka ayaa badanaaba isku suuq geeya, waxqabadkooda iyo mashaariicdooda dhanka Twitter.
Qeexid: Lingaxa (URL) bogga Instagram-ka.
Qaabka: Sheeg bogga lingaxa (URL) Instagram-ka ee khuseeya.
Fiiro gaar ah: Xarumaha wax soo saarka waxay inta badan isku suuq geeyaan, waxqabadkooda iyo mashaariicdooda dhanka Instagram.
Qeexid: Lingaxyada kale.
Qaabka: Sheeg lingaxyada (URLs) ee khuseeya.
Tusaalooyin kale oo baraha bulshada ah oo la xidhiidha xarun wax soo saar, urur ama qof, oo aan lagu cayimin halbeegan ayaa jira, laakiin sidoo kale waa lagu dari karaa. Tusaale ahaan, fablabs.io ama hackerspaces.org.
Noocani waxa uu faahfaahinayaa sifooyinka muhiimka ah ee la xidhiidha 'Goobta'. Hab fudud oo halbeeg ahaan loogu soo qaato macluumaadka juquraafi ayaa ah lama huraan - si loo awoodo isticmaalka 'xarunta wax soo saaraysa' ama 'qalabka', isticmaaluhu wuxuu u baahan yahay inuu ogaado Meesha ay ku taalo. Sifooyinka hoos ku qoran waxay sharxayaan sifooyinka aasaasiga ah ee loogu baahan yahay xog ururinta.
Diiwaan gelinta goobaha juqraafiyeed way kukala duwan yihiin dawladaha caalamku. Dunida horumartay qorida, ‘Cinwaanka aad dagantahay’ sida cinwaanka waddooyinka, waa caadada diiwaan gelinta meelaha xiisaha leh ah. Halka, wadamada qaarkood, sharaxaadda goobta - tusaale ahaan 'dugsiga u dhow, geeskan', ey yihiin sharaxaado ku filan goobta. Marka xogta la diiwaan gelinayo, qeybta dambe waxa ay ku salaysan tahay xogta tayada, wayna adagtahay in la qiyaaso tiro. Sidan oo kale, nidaamka ciwaanka aanan ahayn ciwaan waddo ayaa ah mid aad u faa'iido badan. Sidaa darteed, nidaamka 'Xadidaada Goobaha GPS' iyo ‘What 3 Words' ayaa lagu dhex daray shabakada qaabaynta xogta furan ee Open Know-Where. Labada nidaam ee 'Xadidaada goobaha GPS' iyo ' 3-Eray' ayaa horeyba ay u isticmaaleen NGO-yo badan iyo ururada gargaarka marka la diiwaan gelinayo 'Goob' xarun wax soo saar iyo/ama 'qalab'.
Si ay ula jaanqaado Humanitarian Exchange Language, isticmaal Hashtag-Dooraha HXL.
Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay qaab ururin sifooyin-hoosaadyo isku xidhan.
Qeexid: Ciwaanku waa goobta ey kuyaalaan/ deganyihiin xarunta wax soo saarka, qof ama hay'ad.
Qaabka: Qorista ciwaanka waxaa loo adeegsadaa:
Lambarka dhismaha
Wadooyinka magacyadooda
Degmada
Magaalada
Gobolka
Wadanka
Lambarka boostada
Fiiro gaar ah: Qorida ciwaanku ayaa laga dhigay halbeeg la isku waafaqsan yahay laguna daray qodobada kor kuxusan si ay u sahlanaato isticmaalka, helitaanka, iyo isku darka macluumaadka kooxaha xogta.
Si ay ula jaanqaado Humanitarian Exchange Language, isticmaal Hashtag-Dooraha HXL.
6.2. Xadidaada Goobaha GPS
Qeexid: Nidaam xadidaya goobaha ee GPS ee khuseeya.
Qaabka: Sheeg xadidaada goob GPS-ka adigoo isticmaalaya Halbeeg tiro tobanley ah
Fiiro gaar ah: Nidaamka xadidaada goobaha ee GPS waa halbeeg la isku waafaqsanyahay, oo lagu faahfaahiya tilaamaha ey leedahay goob, waxaana isticmaala hay’adaha gargaarka iyo kuwa hindisa khariidadaha.
Qeexid: Tilmaamaha xarunta wax soo saarka, qof ama hay'ad.
Qaabka: Qoraal.
Fiiro gaar ah: Goobtan xogta tayada ah ayaa laga yaabaa inay ka caawiso helida meelaha ay adagtahay in la helo, ama aagga halbeega cinwaanka caadiga ahi aanu khusayn.
Qeexid: Nidaamka 3-Eray waxa loo isticmaalo goobta
Qeexid: Nidaamka 3-Eray waa kalmado loo isticmaalo goobaha.
Qaabka: Sheeg kalmadaha nidaamka 3-Eray.
Fiiro gaar ah: Inta badan deegaanada aan rasmiga ahayn, ama wadamada soo koraya ma laha cinwaano waddooyin. Nidaamyadooda xadidaada goobaha GPS-kuna waxay noqon karaan kuwo dhib badan oo khaladaadka u nugul. Nidaamka 3-Eray waa hab badiil ah oo loo isticmaalo xadidaada ciwaanada goobaha Juqraafiga ah.
Goob kasta waxaa loo qeybiyay xajmi le’eg 3m x 3m labajiraan, waxana lasiiyay ciwaan 3Eray ka kooban. Ujeedadu waa inaad soo ururin karto, ansixin karto, ama soo heli karto goob walba oo ku dhexjirta xeyndaabka 3m x 3m ah adigoo adeegsanaya 3da-Eray. Tusaale ahaan: Barbal xafiiskiisa kuyaala Bristol waxa loo diiwaangelin karaa sidan ‘///shares.parks.alone’.
Qeexid: Luuqada loo isticmaalay si loo diiwaan geliyo nidaamka 3da-Eray.
Qaabka: ISO 639-2 ama ISO 639-3, Tusaale “en-gb”.
Fiiro gaar ah: Nidaamka 3da Eray waxaa laga heli karaa 43 luqadood oo kala duwan, ereyada cinwaanaduna ma aha kuwo si toos ah midba midka kale u turjumaya.
Noocani wuxuu faahfaahinayaa sifooyinka laxidhiidha qalabka. Waxuu ku tusayaa halbeeg la isku waafaqsan yahay kaasoo lagu ogaanayo awooda wax soo saar ee qalabku leeyahay
Qaybta ugu muhiimsan ee soo baxeeysaa waa baaxada, iyo gaar ahaan waxa aan doonayno in aan xadidno- maxaaynu doonaynaa inaan ogaano? Tusaale ahaan, Ma mashiinada iyo qalabka dhijitaalka ah keliya baa? Ama ma ogaan karnaa dhamaan qalabka gacanta, kuwa loo isticmaalo tiknoolajiyada IT, soofti-weerada iyo iwm?
In la garowsado inuu qalabka CNC Router muhiim yahay ayaa kaa caawin karta inaad go’aansato halka aad alaabada kasoo sameysan karto, halka aysan kaa caawin kara qalabka shaqada ee gacanta arrinkan. Laakin kama dhigna inaan kasaarno marka qalabka ladiiwaan gelinayo. Tani waxay sababtay in loo baahdo nidaam fudud oo halbeeg unoqda kala saarista qalabka kala duwan.
Liiska suurtagalka ah ee sifooyinka qalabku waa mid aan xad lahayn laakiin, Open Know-Where ujeedadeedu waa in la nidaamiyaa inta ugu badan ee suurtogalka ah. Waxaan filaynaa in liiskani uu la koro wakhtiga ayna ku soo biiri karaan astaamo kala duwan oo loogu talagalay noocyada kala duwan ee qalabka/alaabta.
Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay qaab ururin sifooyin-hoosaadyo isku xidhan.
Qeexid: Kala soocida qalabka
Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) ee bogga Wikipedia-yaha ee sharaxaya nooca qalabka
Fiiro gaar ah: Si aad u barato sida loo fuliyo hashan, fadlan eeg qeybta 3.5.
Qeexid: Habka wax soosaaridu waa shayga uu mashiinku awooda uleeyahay inuu sameeyo
Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) bogga Wikipedia-yaha ee sharaxaya nooca qalabaka
Fiiro gaar ah: Si aad u barato sida loo fuliyo hashan, fadlan eeg qeybta 3.5.
Qeexid: Sameynta qeyb kamid ah mashiinka
Qaabka: Nooca nooca qalabka la sameeynayo
Fiiro gaara: Si aad u bixiso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qalabka/ ama qeyb kamida, tusaale ahaan, waxaad ku naqshadayn kartaa adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah, ama waxaad u sameeyn kartaa nooc khaas ah adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah.
Qeexid: Waa noocaa qeyb kamida qalabka
Qaabka: Sheeg magaca nooca.
Fiiro gaara: Si aad u bixiso warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qalabka/ ama qeyb kamida, tusaale ahaan, waxaad ku naqshadayn kartaa adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah, ama waxaad u sameeyn kartaa nooc khaas ah adigoo isticmaalaya daabacaad 3D ah.
Qeexid: Lambarka taxana ah ee qalabka.
Qaabka: Sheeg lambarka taxanaha ah ee qalabka.
Qeexid: Goobta uu qalabku yaalo
Qaabka: Isticmaal nooca Goobta
Waxyaabaha la aqoonsaday in la qabto mustaqbalka.
Qeexid: Xaalada qalabka
Qaabka: Sheeg xaalada uu kusugan yahay qalabku
Fiiro gaar ah: Tani waxeey siinaysaa qofka isticmaalaya warbixin ku saabsan tayada qalabka/agabka, iyo awooda uu uleeyahay inuu qabto shaqadii loo sameeyay.
Qeexid: Waa macluumaad dheeri ah oo kusaabsan qalabka
Qaabka: Qoraal.
Qeexid: Waa qofka leh qalabka
Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka
Fiiro gaar ah: Si loo isticmaalo marka mulkiiluhu uusan ahayn warshadi wax soo saaraysay
Qeexid: Tirada qayb cayiman oo qalab ah.
Qaabka: Isticmaal tiro
Fiiro gaar ah: Tani waxeey kusiinaysaa macluumaad kusaabsan baaxada iyo awooda wax soo saar ee warshada iyo xadiga alaabta la samayn karo hal mar.
Qeexid: Agabka dhexmaraya nooca ka mid ah qalabka.
Qaabka: Qoraal
Qeexid: Korontada la ogolyahay in ay dhexmarto qalabka
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: W
Qeexid: Waxyaabaha loo isticmaali karo qalabka
Qaabka: Waxa uu adeegsada nidaaamka kala saarida ee Agabka
Qeexid: Markii ugu dambeysay ee la dayactiray qalabka
Qeexid: Intee jeer ee la isticmaalo qalabka
Qaabka: Qoraal
Qeexid: Heerka adkeysi ee qalabka
Qaabka: U eeg halkuu kaga jiro ISO 2768.
Qeexid: Nidaamka (software ka) shirkada ee uu isticmaalo qalabka
Qaabka: Qoraal
Qeexid: Hadii uu leeyahay qalabka Dab/ Koronto joogto ah
Qaabka: HAA/MAYA
Kuwani waa sifooyin oo ugaara noocyo cayiman oo qalabka kamida. Qaybtan liiska sifooyinka qalabka ee la sheegay waa mid la balaadhin karo, mana aha mid dhameystiran. Astaama-hoosaadka qalabka ee la bixiyay waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qalabka loo isticmaalo xarumaha wax soo saarka. Liistada hoose ee sifooyin-hoosaadyada la qeexay ayaa loo dhigay hab alifbeeto ah si ay u sahlanaato isticmaalka iyo tixraaca.
Qeexid: Tirada dhidibadda ee qalabka
Qaabka: Tiro
Qeexid: Baaxadda uu kufadhiyo qalabku
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Dhererka la qaloocin karo
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Adimayaasha dhiska
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm^3.
Qeexid: Dhexroorka xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.
Qeexid: Xajmiga isku xejiyaha
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.
Qeexid: Qalabku mayahay mid lagu hago Kumbiyuutar
Qaabk: HAA/ MAYA
Qeexid: Masafaada uu gaadhi karo si gudban u socodaha.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unuga:mm.
Qeexid: Daloolka/ Halka iftiinka qoraxdu kasoo galayso
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.
Qeexid: Masaafada u dhexeeysa xudunta kaashada hore iyo xudunta kaashada dambe
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug :mm.
Qeexid: Cabirka iskaalmiitada/ qiiq saaraha
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug:mm.
Qeexid: Majiraa nidaamka soosaarid?
Qaabka: HAA/ MAYA
Qeexid: Agabka laga sameeyay wiishashka loo isticmaalo waxyaalah culus
Qaabka: Isticmaal nooca Agabka
Qeexid: Malagu xidhi karaa qalab heerkulka xakameeya
Qaabka: HAA/ MAYA
Qeexid: Awoowada Dabka/ korontoda la isticmaalay
Qaabka: Isticmaal tiro. UNUG: W.
Qeexid: Dhumucda lakabka.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Dhexroorka giraanta ladoonayo
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Nooca agabka qalabku ku shaqeeyo
Qaabka: Bir/Aan-Bir ahayn
Qeexid: Awooda isku dhajinta ee qalabka ee ugu sareeysa.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: t.
Qeexid: Mugga duritaanka ee ugu badan
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm^3.
Qeexid: Xawaaraha ugu badan ee wareegista
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: rpm.
Qeexid: Masaafada ugu dheer ee biraha isku xidhaya biraha.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Cabirka qasabada
Qaabka: Isticmaal tiro. Halbeegeedu yahay: mm.
Qeexid: Dhexroorka qasabada
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Agabka ugu wanaagsan ee lagu isticmaali karo qalabka
Qaabka: Isticmaal nooca Agabka.
Qeexid: Sida ey qaybuhu isugu xidhanyihiin
Qaabka: Qoraal
Qeexid: Awooda cadaadiska
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: kN.
Qeexid: Awooda Feedhka
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: kN.
Qeexid: Wareega mashiinka
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: Deg.
Qeexid: Tirada saldhigyada
Qaabka: Isticmaal tiro.
Qeexid: Cabirka saldhigyada
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Masaafada socodka gacanka madaxa dambe
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Nooca qalabaynta
Qaabka: Qoraal
Tusaale: Sameeynta, Daloolinta.
Qeexid: Awood isrogitaan/ maroojiska ee qalabka
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Dusha sare ee qalabka
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Masaafada socdaalka X.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Masaafada socdaalka Y.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qeexid: Masaafada socdaalka Z.
Qaabka: Isticmaal tiro. Unug: mm.
Qaybtan soo socota waxa ku jira maabaynta sifooyin-hoosaadyada ilaa nooca ay yihiin.
Nooca | Sifooyinka / Awoodaha |
---|---|
Qalabka CNC Router | Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan Cabirka birta isku xejisa biraha Wiishashka Culus |
Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan Cabirka birta isku xejisa biraha Wiishashka Culus | |
Awooda Feedhka Nooca Qalabaynta | |
Bareega Cadaadiyaha | Dhererka oo qaloocsami karo Qeybta lagu hago Kumbiyuutarada Daloolka / Halka iftiinka qorxdu kasoo galayo |
Nidaamka wax soosaarka | |
Daabacaada 3D – FDM | |
Daabacaada 3D – SLA | |
Daabacaada 3D – SLS | |
Aqbalaada qalabka heerkulka lagu kontoroolo Awooda iskudhejinta ee ugu sareeysa Awooda duritaanka ee ugu sareeysa Masaafada ugu dheer ee birta isku xidha biraha Dhexroork qasabada | |
Awooda wareega ee ugu sareeysa Maroojinta/ Wareega Qaybta sare ee goobta shaqada Socdaalka X Socdaalka Y Socdaalka Z | |
Xajiyaha ilkaha leh ee biraha dhululubeysan Masaafada si gudban u socdaha Masaafada u dhaxeeysa labada saldhig Awooda wareega ee ugu sareeysa Socdaalka gacanka sanduuqa dambe Awooda wareega / maroojiska | |
Qalabka wax lagu tolo ee dharka sima | [Waxaa socota shaqo ah in lagu diyaariyo koox-sifo-hoosaadka Agabka] |
Mashiin tolitaanka dharka ee sawirka ku qora | [Waxaa socota shaqo ah in lagu diyaariyo koox-sifo-hoosaadka Agabka] |
[Waxaa socota shaqo ah in lagu diyaariyo koox-sifo-hoosaadka Agabka] |
Noocani wuxuu faah faahinayaa sifooyinka la xidhiidha agab. Guud ahaan, agabku waa ka baxsan yihiin baaxadda Open Know-Where, si kastaba ha ahaatee in lahelo hab fudud oo lala jaan-qaadi kara qalabka waa muhiim. Tusaale ahaan, si loo isticmaalo warshada wax soo saarka, isticmaaluhu wuxuu u baahan yahay inuu ka warqabo agabka la heli karo ama inta badan loo isticmaalo meel gaar ah, ama si uu u isticmaalo agab, isticmaaluhu wuxuu u baahan doonaa inuu ogaado waxa halka mashiinku uu kaga jiro halbeega. Agabka ayaa go’aamiya hadii shay lagu dhex sameeyn karo warshada gaar ah.
Sidaa awgeed, hab fudud oo la wada ogyahay oo ku tusaya agabka ayaad ka heli kartaa Open Know-Where, laakiin weli shaqo ayaa laga yaabaa in ay u baahantahay mustaqbalka si si buuxda loo habeeyo kala-soocidda agabka, waxaana hadda baadhaya Isbahaysiga Wax-soo-saarka ee internetka (Internet of Production of Alliance).
Halka sifooyinka sida macquulka ah loo kooxeeyay, waxaa loo soo bandhigay qaab ururin sifooyin-hoosaadyo isku xidhan.
Qeexid: Soosaaraha iyo nooca agabka
Qaabka: Qoraal
Qeexid: Maarkadda nooca agabka
Qaabka: Qoraal
Qeexid: Goobta uu kuyaalo qofka aad kahesho maadada aad wax kusameeyso
Qaabka: Isticmaal nooca Goobta
Fiiro gaar ah: Tani looma adeegsanyo in lagu ogaado goobta warshada wax soo saarta, laakiin waxa lagu ogaanayaa halka warshadu ka hesho agabka.
Qeexid: Nooca Agabka
Qaabka: Sheeg lingaxa (URL) bogga Wikiepedia-yaha ee laxidhiidha nooca agabka
Fiiro gaar ah: Si aad u hesho tilmaamo ku haga, faldan eeg section 3.5.
Si loo taageero wada shaqaynta guud ahaan kooxaha xog-ururinta, qaybtani waxa ay dejinaysaa liis la wada ogyahay oo ah noocyada agabka loo isticmaalo wax soo saarka, liistada looguma talagalin in ay noqoto mid dhammays tiran, balse waa mid balaadhan oo ku filan oo laga helayo noocyada ugu badan ee agabka.
Markii la ururinayay liiska, heerka gaar ahaaneed ayaa loo arkayay in uu yahay mid muhiim ah. Haddii liisku yahay mid aad u heer sareeya, kama caawin doonto iibsadaha ama soo saaraha inay go'aamiyaan haddii xaruntu ku habboon tahay baahiyahooda gaarka ah. Haddii ay aad u faahfaahsan tahay, raadin ayaa meesha ka saari karta agabka si fudud loogu dabaqi karo agabka la midka ah. Jaantuskan hoose waxa uu bixiynayaa tusaalayaal heerka gaarka ah ee noocyada kala duwan ee agabka, kaas oo loo isticmaalay in lagu hago go'aan qaadashada soo saarista liiskan.
Cinwaanadu waxay ku jiraan liiska si ay u caawiyaan isticmaalayaasha halbeega, laakiin ma aha qayb ka mid ah nidaamka kala soocida mana aha in lagu isticmaalo kooxaha xog-ururinta ee Open Know-where.
Birta nooceda kaarboonka lagu daray ee cad
Birta jilicsan
Looxa adag
Silikoon
Dherriga laga sameeyay dhoobo la adkeeyay
Harag/Maqaar
Warqado
Noocani waxa uu ku daraa sifooyinka la xidhiidha xogta diiwaanka. “Diiwaanka xogta” waxa aanu ula jeednaa macluumaadka ku saabsan cidda samaysay xogta iyo sida ay u cusub tahay. Deegaannada aadka isku bedbedala, xog-ururinta waxay si dhakhso ah u noqon kartaa kuwo qadiimi ah, sidaas awgeed waxa ay noqon kartaa mid waxtar leh in la wadaago macluumaadka ku saabsan asal ahaanta xogta.
Qeexid: Xiliga la diiwaangeliyay
Qaabka: Isticmaal ISO 8601, i.e Tusaale YYYY-MM-DD
Qeexid: Wakiilka sameeysay xogta
Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka
Qeexid: Taariikhda xiliga xogta la cusboonaysiiyay
Qaabka: Isticmaal ISO 8601, i.e Tusaale YYYY-MM-DD.
Qeexid: Wakiilka cubooneeysiisay diiwaanka
Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka.
Qeexid: Taariikhda xogta la ansixiyay.
Qaabka: Habka lagu taliyey in la Isticmaalo waa ISO 8601, i.e Tusaale YYYY-MM-DD.
Qeexid: Cid ansixisay diiwaanka
Qaabka: Isticmaal nooca Wakiilka.
Qeexid: Qaabka xogta loosoo ururiyay
Qaabka: Qoraal.
Tusaale: Wareeysi, Sahann. Booqasho goob, iyo iwm.
The Open Know-Where specification is governed by the Open Know-Where working group.
Hagaha Open Know-Where waxaa maamula kooxda shaqo ee Open Know-Where.
Wixii bedalaada ee lagu sameeynayo hagahan waxaa loo diraa soo jeedimaha StandardsRepo
Isbedeladan waxaa loogu codeeyaa kulan ay yeelanayso kooxda shaqada ee Open Know-Where.
Mashruucan waxaa hogaaminayay Anna Sera Lowe oo ku takhasustay isbedelka warshadaha waxaana maalgeliyay Shuttleworth Foundation.